Madaxweyneyaasha Soomaaliya ayaa leh sooyaal soo jireena oo ay dhulalka dalka ku bixiyaan wareegto madaxweyne ama ay dowladu kula wareegto dhulal si gaara loo leeyahay oo noqda kuwo laga dhigo Dan Guud, waxeyna taas ay inta badan ka dhacdaa magaalo madaxda Muqdisho iyo xaruumaha maamul goboleedyada, waxaana saxa in madaxweynaha uu xaq u leeyahay inuu bixiyo dhulalka danta guud oo aysan adeegyo dadweyne aysan ka jirin, sidoo kalana uu qarameeyo dhulalka uu u arkayo in dadweynaha dantooda guud looga sameynayo adeegyo.
Dhulbixintii ugu badneyd oo lagu bixiyo wareegto madaxweyne waxaa bixiyey Gen. Maxamed Siyaad Barre (AUN), islamarkaasna la wareegey dhulkii ugu badnaa oo uu ka dhigay Danta Guud, waxaana dhulalka uu la wareegey ka mid ahaa dhulal badan oo uu horay u siiyey Cabdirashid Cali Sharmarke (AUN) dad ay isku heyb ahayeen oo u badanaa xildhibaano, ganacsato, iyo hawlwadeeno dowladeed, wuxuuna kuwaas bedelkooda dhulalkaas ku abaalmariyey dadkii sida daacada ahaa ula soo shaqeeyey, waxaana Soomaaliya dhul lagu bixiyo wareegto madaxweyne ama lagula wareeg dan guud ugu dambeysey dawladdii uu hogaaminayey madaxweynihii mileteriga ahaa ee Gen. Maxamed Siyaad Bare.
Dhulalka sida gaarka ah uu Gen Siyaad u qarameeyey waxaa ka mid ahaa dhul weynaha danta guud lagula wareegey ee loogu talo galay in laga dhiso xaruumaha wasaaradda Beeraha iyo hayadaheeda hoos yimaada oo qorshuhu ahaa iney ka mid noqdaan xanaanada xoolaha, dhirta & daaqa, iyo hayadaha caalamiga ah oo kaalmeeya wasaaradda, waxaana nasiibdaro noqotay in dhulkaas weynaa intiisa badan lagu bixiyey wareegto madaxweyne oo loo qeybiyey shaqsiyaad daacad u ahaa Madaxweyne Siyaad, waxaana inta ka soo hartay oo ahayd wax aad u yar oo qeybsigaas ka badbaadey laga kala dhigay xaruunta Wasaaradda Beeraha iyo Dugsiga Sare ee Xamar.
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamud wuxuu xaq u leeyahay sida madaxweyneyaashii hore inuu wareegto madaxweyne ku bixiyo dhulalka danta guud ama kula wareego dhulal cusub oo loogu adeegayo danta guud ee dadweynaha, balse sidaas ma uusan sameyn, waxaana dhacday in dadweynuhu xukunkiisa kala kulmeen dhul boob ku beeray dadka quluubtooda iyo indhahooda aragagax cabsi badan geliyey, waxeyna dadweynuhu boobkaas ka muujiyaan cabashooyin aan kala joogsi lahayn, balse ma jirto cid wax ka qabatay danqashadooda, waxeyna shacabka aamusnaanta madaxda dowladda ay ugu muuqatay mid ka turjumeysa ka raali ahaanshahooda waxa lagula kacayo.
Waxaa jirey dhul ay dowladdii Madaxweyne Aden Cade (AUN) u qaadatay Dan Guud, dhulkaas oo loo yaqaaney KARNOBIIF(Carno Beef) oo Talyaanigu ka balanqaaday inuu Soomaaliya uga dhisayo wersheda lagu gasacyadeedyo hilibka lo’da, kadibna isbedelo ku dhacay dowladda Talyaaniga ay u suurtoobi weysey iney hirgeliso balanqaadkaas, waxaana 1964 dhulkaas miyi ahaan u degay qoysas lagu qiyaasay ilaa 250, waxaana nasiib wanaag ahayd in dhulkaas uu ka badbaadey dowladii mileteriga ahayd ee uu hogaaminayey Gen. Siyaad.
Waxaa nasiibdaro noqotay in dhulkii loo yaqaaney Karnobiif uu gacanta dadweynaha ka baxay xiligii dowladii hore ee Xasan Sheekh Maxamud, waxaana dhulkaas xoog kula wareegey ganacsato u abaabulan qab maafiyo ah, kuwaas oo gacan ka helayey hawlwadeeno ka tirsan dowladda oo ka soo kala jeedey wasaaradda Arrimaha Gudaha, garsoorka, Dowladda Hoose, saraakiisha amniga Gobolka Banadir, iyo masuuliyiin ka qarsoon indhaha shacabka oo ku lug lahaa in qoysas Soomaaliyeed oo in ka badan 50 sano ku noolaa dhulkaas in si arxandaro leh xoog looga saaray dhulkii ay intaas oo sanadood degenaayeen, iyadoo aysan dowladii markaas jirtey aysan wax xila iska saariin dhageysiga dareenka cabashada dadweynaha.
Waxaa sidoo kale mudo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh ee hadda jirta uu gacanta dowladda ka bixiyey qeybo ka mida dhulkii yaraa ee danta guud uga soo badbaadey dhul weynihii wasaarada Beeraha, kaas oo laga dhisay Dugsiga Sare ee Xamar oo hadda loo yaqaan Hoyga Xamar oo ay hadda dhigtaan arday ka badan 2000, dhulkaas wuxuu ka koobnaa saddex qeybood oo kala ah: qeyb ah madbacad, qeyb ah dugsiga, iyo qeyb ahayd guriga wasiirka waxbarashada ee uu degenaan jirey Wasiir Shuuke, waxeyna hadda ganacsato ay si sharcidaro ah ay kula wareegtey qeybtii dambe ee ahayd madbacadda, iyagoo gacan ka helaya dowladda.
Ganacsatadaas ku bahoobay iney boobaan dhulalka dowladda iyadoo ay madaxdii dowladda ay ka indho qarsanayaan boobkooda, ayaa waxey taas tilmaan u noqotay iney jidka u furtay in ganacsato kale ay iyaguna haweystaan iney qorsheystaan sidii ay iyaguna qeyb qeyb ugu kala goosaan lahayeen dhulka dowladda ee uu ka dhisan yahay hoyga Xamar, waxaana socota inuu gacanta ka baxo hoygii Wasiir Shuuke iyo qeybo kale oo ka mida dhulka hoyga Xamar, waxaana yaab leh in ganacsatada boobaya ay ku andacoonayaan iney dhulalkaas ka iibsadeen dadkii horay u lahaan jirey inta aysan dowladii milateriga ahayd aysan dadkaas kala wareegin dhulalkooda, kuwaas oo sida muuqata dhulalkaas bedelkooda la siiyey dhulal kale.
Waxaa intaas ka sii yaab badan in ganacsatada dhulkaas boobaysa ay cid walba oo haysa amaanada dhulalka dowladda ay horgeynayaan maxkamado ay gudoomiyeyaashooda la leeyihiin gacansaar ay horay heshiisyo qarsoodiya ula soo galeen, sidaasna dadka gacanta ku haya amaandaas xukun maxkamadeed loogu sheegayo in cidda iska leh dhulkaas oo ah dowladda ay milkiyada dhulkaas kala dacwoon karto ganacsatada dhulka loo xukumay, xukunadaas kadibna aysan ka jirin dhinaca dowladda dacwado ka soo horjeeda sheegashada ganacsatada sida baadilka ah loogu xukumay lahaanshaha milkiyada dhulkaas.
Dhulkaas hantida guuda oo ay iska leedahay wasaaradda waxbarashada, marna wasiirka hadda jooga ma uusan soo faragelin, isaga oo og in dhulkaasi yahay dhul dowladeed, wuxuuna taas bedelkeeda ka doorbiday inuu indhaha ka fiirsado oo uusan boobkaas wax tilaabo ah uusan ka qaadin, lagana yaabo inuu og yahay madax qarsoon iney boobka ku lug leeyihiin, sidaasna uu uga gaabsanayo waxkaqabashadeeda, waxaana xusid mudan in dowladdii hore ee Madaxweyne Farmaajo ay wareegto madaxweyne ku joojisey damaca ganacsatadaas burcada ah, waxeyna ganacsatadaas fursad qaaliya ka heleen dowladda hadda jirta oo kala shaqeysey iney dhulkaas milkiyadiisa hantaan, iyadoo xeer ilaalinta qaranka, Maxkamadda Gobolka Banadir, iyo saraakiisha amniga Gobolka Banadir ay dhamaantoodba gacan siinayeen ganacsatadaas ah burcadda.
Haddiba ay dowladdu indhaha ka qarsaneyso ganacsatada ay dadweynuhu sida xooggan ay uga soo gudbinayaan dareenkooda xambaarsan cabashooyinka la xiriirta dhul boobka iyo gacan ku haynta maanoboolyada suuqyada badeecadaha iyo sarifka lacagta qalaad, iyo weliba kutarifalo kale oo aad u badan, ayaa waxaa xaqiiq noqoneysa eedaha loo soo jeedinayo dowladda oo ah in dowladdu ay shirko kula tahay ganacsatadaas heshiisyo qarsoon oo ka raali ahaansha boobkooda ay ganacsatada uga bedelanayso maalgelin dhaqaale oo lagu taageerayo ololaha doorashooyinka madaxda sare ee dowladda oo ku haminaya xilalka ay hayaan iney dibudoorasho ugu geli doonaan marka ay dhamaadaan mudo xileedkooda.
Waxaan rumeysanahay in madaxweynaha Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamud uu guulo waaweyn ka soo hooyey waxyaabo badan oo Soomaaliya uga xirnaa caalamka, balse guulahaas ay baabi’n doonaan fashilka ka haysta guuldarooyinka ka taagan arrimaha gudaha oo ay u horseedayaan sumacadxumo sida horayba ugu dhacady mudo xileedkiisii hore, waxaana adag inuu ka badbaado madaxweynaha ceebta ay lugaha kula jiraan hawlwadeenada ka tirsan dowladiisa oo sida idman ugu adeegsanaya awoodiisa, kuna geysanaya gaboodfalada iyo musuqmaasuqa loogu geysanayo magaca dowladiisa.
Waxeysan cidna rumeysan doonin dagaalka ay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ay kula jirto musuqmaasuqa, iyadoo akoonadda saraakiisha amniga, gudoomiyeyaasha maxkamadaha, madaxda Gobolka Banadir, xeer ilaaliyeyaasha, iyo dalaaliinta siyaasadeed ee dowladda ku daaban ay suurtogal tahay in akoonadooda ay ku jiraan lacag aad u fara badan oo aad uga tiro badan mushaarka ay qaataan inta ay shaqeynayeen ama ay dhistaan guryo badan oo dabaqyo ah, waxaadna sidoo kale aad ku arkeysaa hawlwadeenadaas iney noqdaan gafaneyaal cayil la dibirsan, taas oo astaan lama gefaana caalamka uga ah musuq ku naaxid.
Dr. Saciid Ciise Maxamud
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com