Allbanaadir.com
NEWS

Xukuumadda Soomaaliya oo qaraar adag kasoo saartay Heshiiska Somaliland iyo Itoobiya

Shir aan caadi aheyn oo golaha wasiiradda xukuumadda Soomaaliya saakay ku yeesheen magaalada Muqdisho ayey kusoo saareen qaraar ku saabsan xad-gudubka dowladda Itoobiya ee midnimada iyo gubannimada Soomaaliya.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa si adag u diiday ugana soo horjeesatay tallaabada guracan ee dowladad Federaalka Itoobiya ku sheegtay in ay heshiis is afgarad iyo iskaashi kula gashay maamulka Somaliland.

Dowladda Soomaaliya ayaana tallaabada ay qaaday dowladda Itoobiya ku tilmaantay mid gardaro ah oo halis gelin kara daris wannaaga , nabad kuwada noolaashanaha iyo xasilloonida gobolka, waxa ayna talaabada xukuumadda Abiy qaaday ku tilmaantay mid xad-gudub ku ah qaranimada iyo midnimada Soomaaliya.

Waxa ay sidoo kale xukuumadda Soomaaliya qaraarka kasoo baxay lagu tilmaamay mid waxbo kama jiraan ah heshiiska lagu sheegay is afgaradka iyo iskaashiga ay shalay gaareen maamulka Somaliland iyo Xukuumadda Itoobiya, waxa ayna xukuumadda sheegtay in aysan marnaba aqbali doonin heshiiskaasi.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale uga digtay dowladda Itoobiya isku day kasta oo xad-gudub ku ah madax-bannaanida, gobannimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya , waxa ayna dowladda sheegtay in tallaabada Itoobiya uga jawaabeyso waddo kasta oo sharci ah.

Qaraarka kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in ficilka dowladda Itoobiya u aqoonsan tahay gar-darado iyo duullaan qaawan oo ka dhan ah gobannimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaana sheegtay in waajib ka saaran yahay ilaalinta iyo difaaca iyo dhowrista gobannimada , sharafka iyo  midnimada dhuleed ee Soomaaliya , iyada oo kaashaneysa shacabkeeda Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa ka dalbaday golaha ammaanka Qaramada Midoobay , ururka Midowga Afrika, irurka Midowga Islaamka, ururka Jaamacadda Carabta iyo ururka IGAD in ay garab istaagaan xaqa dowladda Soomaaliya ee ilaalinta mdnimadeeda dhuleed, kuna cadaadiyaan dowladda Itoobiya in ay kusoo noqoto xeyndaabka shuruucda caalamiga ah.

Dowladad Soomaaliya oo sidoo kale ka dalbatay golaha Amaanka iyo Midowga Afrika in ay qabtaan kulamo deg deg ah oo looga arrinsanayo xad-gudubka iyo faragelinta Itoobiya ee ka dhanka ah madax-banaanida iyo midnimada Soomaaliya.

Ugu Dambeyn dowladda Soomaaliya ayaa la tashi deg deg ah ugu yeertay safiirkeeda u jooga dalka Itoobiya , waxa ayna xukuumadda sheegtay in ay sidoo kale soo saari doonto ammarada munaasabka ku ah ilaalinta qarannimadeeda iyo xad-gudubyada ka dhanka ah.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Macalin Dugsi Qur’aan iyo afar kamid ah ardaydiisa oo lagu dilay Deegaanka Xaaji Cali

Cabdi Cade

(Sawirro) Taliban oo heshiiskii u horeyey ee caalami ah la gashay shirkadda CAPEIC

Caydiid Ali

Xeer ilaaliyaha Puntland oo go’aan cusub ka qaatay xariga Siyaasiyiinta Mucaaradka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---