Allbanaadir.com
NEWS

Qorshaha ka dambeeya Heshiiska ay gaareen Somaliland iyo Itoobiya oo la Shaaciyay

Heshiis xiisad siyaasadeed abuuray ayaa shalay magaalada Adis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya waxaa ku kala saxiixday madaxweynaha maamulka Somaliland iyo ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Ergayga dowladda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan wadahadalada Somaliland Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa heshiiskaasi ku tilmaamay mid kasoo horjeeda dhammaan xeerarka iyo shuruucda adduunka.

Waxa uuna cadeeyay ergay Cabdikariin Guuleed in heshiiskan lagu gaaray magaalada Adis Ababa uu yahay mid lagu fashilinayo wadahadaladii midnimo raadiska ahaa ee u furmay dowladda Federaalka iyo maamulka Somaliland .

”Waxa ay maanta dowladda Itoobiya ku dhaqaaqday waa fal ka soo horjeeda kana baxsan dhammaan xeerarka iyo shuruucda Aduunka. Xadgudubna ku ah midnimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya. Waana mid lagu fashilinayo wadahadalada iyo midnimadii dalka ee guusheedu soo dhawaatay” ayuu yiri Cabdikariin Guuleed.

Heshiiskan madaxweynaha Somaliland qeyb kamid ah biyaha badda Soomaaliya ku siiyay dowladda Itoobiya ayaa imaanaya, xilli maalmo kahor wadahadal Jabuuti ku yeesheen madaxweyne Xasan Sheekh iyo Muuse Biixi kuna gaareen heshiis.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo arrimo badan iska kaashanaya (Sawirro)

Cabdi Cade

Wafdigii uu horkacayey RW Khayre oo lagu soo dhoweeyey Garoowe (Sawirro)

Caydiid Ali

Puntland oo joojisay kulan ka dhan ah Imaaraadka oo ka dhici lahaa Garowe

Caydiid Ali
Taboola Ads ---