Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, gaar ahaan qeybta lixdanaad ayaa xukun xabsi daa’in ah ku riday Ibraahim Cusmaan Macalin Abiikar oo lagu helay in uu katirsanaa kooxda Al Shabaab .
Ninkan ayaa maxkamadda ciidamada qalabka sida ku heshay in kooxda Al Shabaab u qaabilsanaa qeybta qaraxyada iyo kala gudbinta agabyada ay u baahanyihiin, isagoo inta badan isticmaali jiray Mootada loo yaqaan Fekon.
Maxkamadda ayaana ninkan iyo nin kale oo la socday ku eedeysay in ay ka dambeeyeen qarax miino oo ka dhacay kaamka Xagarka Buush ee kuyaalla magaalada Baydhabo, waxaana qaraxaasi la sheegay in ay ku dhinteen saddex qof.
Ciidamada nabbad sugida Koonfur Galbeed ayaana gacanta ku dhigay ninkan bartimihii sannadkii hore, waxaana baaris dheer oo maxkamadda ku sameysay kaddib ku heshay dambiyadii lagu soo eedeeyay ee ahaa in Al Shabaab katirsanaa uuna fuliyay qaraxyo.
Garsoore gaashaanle sare Aadan Abuukar Maxamed wakiilka Maxkamadda Ciidamada qaybta lixdanaad ayaana saakay xukun xabsi daa’in ah ku riday Ibraahim Cusmaan Abiikar oo lagu helay dambiyadii lagu soo eedeeyay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com