Allbanaadir.com
NEWS

Israa’iil oo shaacisay in weerar ku dileen Adel Msammah iyo xubno kale oo la joogay

Ciidamada milatariga Israa’iil ayaa weeraro cir iyo dhul isugu jira wali ka wada magaalada Gaza ee dhulka Falastiin, waxa ayna doonayaan in ay soo afjaraan kooxda Xamaas ee u dagaallanka xureynta dhulka Falastiin.

War kasoo baxay milatariga Israa’iil ayaa lagu sheegay in ay dileen taliye sare oo ka tirsan ururka Xamaas, kadib weerar ay ciidamada Israa’iil ka fuliyeen  magaalada Darul Balax ee bartamaha Qasa.

Ciidanka difaaca Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha ay dileen oo lagu magacaabo Adel Msammah uu hogaaminayay kooxda Nukhbah ee weerarka ka fuliyay magaalada kibbutz ee koonfurta Israa’iil todobadii Oktoobar.

Waxa ay sidoo kale ciidamada Israa’iil sheegen in taliyahan abaabulay howlgalo kale oo nafta lagu dhaafiyay shacab iyo askar u dhalatay Israa’iil, iyaga oo sheegay in ninkan khatar badan ku ahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo laga sugayo in uu cadeeyo Mowqifkiisa Siyaasadeed si looga Shaki baxo !!

Cabdi Cade

Taliye ka tirsan Heyadda Nabad Sugida Qaranka oo xabsiga loo taxaabay

Caydiid Ali

Al Shabaab oo Shaacisay magaca Dagaalyahana Ajnabi ah oo Fuliyay Weerar Ismiidaamin ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---