Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare hore Rooble oo wax laga xumaado ku tilmaamay Ficilka dowladda Itoobiya

Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Barre ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay heshiiska dowladda Itoobiya sheegtay in ay la gashay maamulka Somaliland .

Somaliland ayaa Itoobiya u saxiixday qeyb kamid badda Soomaaliya, waxa ayna Itoobiya taa badalkeeda u ballanqaaday Somaliland in dowlad ahaan u aqoonsan doonto Somaliland.

Halkan ka aqriso qoraalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa u qornaa sida tan:

Waa wax lala yaabo aadna looga xumaado ficilka ay ku dhaqaaqday dowladda Ethiopia kaas oo xadgudub cad ku ah Qaranimada Soomaalliyeed sidoo kalena xasillooni darro ka abuuraya Gobolka Geeska Afrika.

Ilaalinta Gobonimada iyo Siyaadada Qaranka Soomaaliyeed waa Mas’uuliyad Dastuuri ah oo Dadka Soomaaliyeed ay u Wakiisheen Dowladdooda.

Ficil kasta oo halis galinaya mabaadi’daas waa in dowladdu ka qaaddo talaabo cad oo u dhiganta falka ay ku dhaqaaqday dowladda Ethiopia.

Go’aannada masiiriga ah ee taabanaya Madaxbanaanida Qaranka waa in aan meel uga soo wada jeesanno isla markaana ka hortagno damaca Ethiopia ay ku doonayso in ay ku boobto qayb ka mid ah dhulka iyo biyaha Soomaaliya taas oo ah dhaxal ay leeyihiin ubadkeennu.

Waxaan rajeynayaa in Xukuumaddu ay qaadato go’aan u qalma ficilka xadgudubka ah ee kasoo yeeray Adis-ababa.
Dadka Soomaaliyeed waxaan u rajeynayaa in ay muujiyaan isku duubni xilligan adag.

Wabillaahi Towfiiq

Related posts

Dowlada Somalia iyo Midowga Afrika oo bayaan wadajir ah soo saaray (Akhriso)

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo sheegtay iney isku soo dhiibeen 107 ka tirsan Al-shabaab

Caydiid Ali

Taliye Asad oo amar culus siiyey Saraakiisha qeybaha Booliska (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---