Allbanaadir.com
NEWS

Nin ku guulaystay billadda caalamiga ah ee Nobel Prize oo xabsi lagu xukumay

Maxkamad ku taal dalka Bangladesh ayaa ku xukuntay dhaqaaleyahan Muhammad Yunus, lix bilood oo xabsi ah, kadib markii lagu helay inuu ku xad gudbay sharciga shaqada.

Saddex ka mid ah asxaabtiisa oo ka tirsan shirkadda Grameen Telecom oo ah mid ka mid ah shirkadihii uu aasaasay — ayaa sidoo kale lagu xukumay kiiska, tan oo taageerayaashoodu ay sheegeen in dano siyaasadeed laga leeyahay.

Waxaa la siiyey dammaanad ay ku sugaan racfaanka. Afarta qof ayaa lagu eedeeyay in ay ku guul-darreysteen in ay u abuuraan sanduuq dhaqaale oo loogu talagalay shaqaalahooda.

Hannaanka hormuudka ah ee Yunus ee amaahda maalgelinta yar yar ayaa lagu tiriyaa inuu malaayiin qof ka saaray heerka faqriga — laakiin ra’iisul wasaaraha Bangladesh, Sheikha Hasina, ayaa si weyn u naqdisay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda Somalia oo War cad ka soo saartay dilka Suxufiga Jamal Kashoqgi (Akhriso)

Caydiid Ali

Isbeddelka Siyaasadda Dowlada Kenya ee Soomaaliya Maxaa Sababay ?

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho oo kulan deg deg ah la qaatay Guddoonka sare ee Gobolka Banaadir

Cabdi Cade
Taboola Ads ---