Allbanaadir.com
NEWS

Mukhtaar Roobow oo arrin muhiim ah kala hadlay Saraakiil katirsan ciidanka Xoogga

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta JFS Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa maanta xafiiska ku qaabiley hoggaanada siyaasadda iyo wacyigelinta ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, Ciidanka Booliiska iyo Ciidanka Nabad Sugida Soomaaliyeed.

Ujeedada kulanka wasiirka iyo hoggaanada wacyigelinta ee ciidamada qalabka sida ayaa ahaa wadatashi iyo is xog wareysi ku saabsan dardar gelinta howlaha wacyigelinta lagu dhiiragelinayo ciidamada xoogga dalka ee dagaalka kula jira Al Shabaab.

Sidoo kale kulanka ayaa lagu soo qaadey daadejinta howlaha wacyigelinta ee ay iska kaashadaan Wasaaradda iyo hoggaanada siyaasadda iyo  wacyigelinta gaar ahaan sidii bulshada looga wacyi gelin lahaa dhinacyada dhaqanka iyo aqlaaqda suuban, isticmaalka waxyaabaha maanka dooriyaha iyo ka hortagga fikirka xagjirka ah ee rabshadaha wata.

Wasaaradda Owqaafta Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa qeyb weyn ka qaadata wacyi-gelinta loo sameeyo ciidamada xoogga dalka ee dagaalka kula jira kooxda Al Shabaab , waxa ayna wasaaradda qabatay shirar kala duwan oo wacyi-gelin u badnaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Britain oo danjire cusub u soo Magacowday Soomaaliya (Taariikh nololeedkiisa)

Caydiid Ali

Farmaajo oo ka dhoofay Muqdisho iyo Madaxtooyada oo War kasoo saartay…

Cabdi Cade

Israa’iil oo duqeyn culus ku garaacday masaajidka Shuhadada Al Aqsa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---