Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo War kasoo saaray xildhibaannada Puntland ee maanta la dhaariyay

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa u hambalyeeyay Xildhibaanada Baarlamaanka 6-aad ee Dowladda Puntland oo maanta la dhaariyey iyo Guddoonka Ku meel gaarka ah ee ay iska dhex doorteen.

“Waxaan u hambalayeeynayaa Xildhibaanada Baarlamaanka 6-aad ee Dowladda Puntland oo maanta la dhaariyey iyo Guddoonka Ku meel gaarka ah ee ay doorteen, Allaah Waxaan uga baryayaa in uu u fududeeyo masuuliyadda ay qaadeen.” Ayuu yiri Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynaha ayaa u rajeeyay Xildhibaanada Baarlamaanka 6-aad in ay si wanaagsan u gutaan waajibaadka horyaalla, sida Doorashada Guddoonka Golaha Wakiillada iyo Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa si weyn uga hor-yimid xildhibaannada cusub ee xalay lagu dhawaaqay, waxa ayna sheegeen xildhibaanadan in aysan soo marin habraacii saxda ahaa uuna soo xushay madaxweyne Siciid Deni.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan oo eedeyn culus u jeediyay Al Shabaab

Cabdi Cade

Villa Somalia: “Cawaaqib xumo ayaa ka dhalan doonta falka ay Itoobiya ku kacday

Caydiid Ali

Dumarka ku dhaqan Dhuusamareeb oo DIL ku hanjabay & Shacab ka soo jeeda Beelaha Abgaal & Raxawayn…

admin
Taboola Ads ---