Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa kulan gaar ah la qaatay taliyaha ciidanka howlgalka degdegga ah ee Suudaan Maxamed Xamdaan Dagalo (Hemedti), waxa uuna kala hadlay sidii xal loogu heli lahaa colaada ka aloosan dalka Sudan.
Madaxweyne Geelle iyo taliyaha ciidamada RSF ayaa kulankooda uga wada hadlay sidii nabbad loogu soo dabaali lahaa dalka Sudan oo hadda ka socdo dagaal dhiig badan ku daatay ku dhawaad 10-bil .
Taliye Hemedti ayaa sheegay in diyaar u yahay in wadahadal shuruud la’aan la galo hoggaamiyaha milatariga Sudan ay is hayaan, si colaada ka aloosan dalka Sudan loogu helo xal nabdoon loona gaaro heshiis is faham.
Taliyaha ciidamada milatariga Sudan Abdel Fattah al-Burhan ayaa lagu waday in uu Hemedti kula kulmo khamiistii lasoo dhaafay dalka Jabuuti,balse kulanka ayaa dib loo dhigay ka dib markii uu markii danbe awoodi waayay in uu gaaro goobta kulanka.
Dowladda Sudan ayaa ka shaqeeneysa sidii xal nabadeed loogu heli lahaa colaada dalka Sudan ka aloosan, waxaana la filayaa madaxweynaha Jabuuti isku keeno labada taliye ee isku haya awoodda dalka Sudan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com