Waxaa maanta xarunta golaha Wakiillada ee maamulka Puntland lagu dhaariyay xildhibaanada cusub ee xulistooda la isku khilaafsan yahay ee gaaraya 66-xildhibaan, kuwaa oo xalay xilli dambe lagu dhawaaqay.
Xildhibaanada cusub ayaa saakay isugu tagay xarunta golaha Wakiillada ee Garawe, waxaana xildhibaanada cusub halkaasi lagu dhaariyay, iyadoona munaasabada goobjoog ahaayeen xubno katirsan guddiga Xallinta khilaafaadka iyo masuuliyiin kale.
Dhaarinra xildhibaanada kaddib waxaa guddoomiyaha KMG ee golaha Wakiillada Puntand noqday Xasan Cabdalle Xasan duqii hore ee magaalada Boosaaso, kaa oo loo aqoonsaday in uu yahay xildhibaanka ugu da’da weyn ee golaha Wakiillada Puntland.
Ammaanka xarunta golaha Wakiillada ee lagu dhaarinayay xildhibaanada cusub ee Puntland ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana waddooyinka gala xaruntaasi la dhigay gaadiid badan oo nuuca dagaalka iyo ciidamo badan.
Musharaxiinta mucaaradka ayaana kasoo horjeeda xildhibaanada cusub ee maanta lagu dhaariyay magaalada Garawe, xildhibaannadan ayaa la sheegay in uu soo xushay madaxweynaha Puntland Siciid Deni.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com