Khilaaf xooggan ayaa ka taagan liiska 66-xildhibaan oo xalay xilli dambe xubno katirsan guddiga xallinta khilaafaadka doorashada ku dhawaqaeen, waxaana soo baxaya warar sheegaya in madaxweyne Deni soo qortay liiska xildhibaannada lagu dhawaaqay.
Guddoomiyihii guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada Puntland Isxaaq Axmed Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa kahor yimid liiska xildhibaannada xalay la shaaciyay, waxa uuna sheegay in xubnahaasi aysan soo marin habraacii saxda ahaa.
Waxa uu sheegay guddoomiyaha in xubnaha cusub ee golaha wakiillada ee xalay magacyadooda lasoo bandhigay ay yihiin kuwa laga soo qoray madaxtooyada Puntland, waxa uuna xusay in xubnahaasi aysan soo marin habraacii loo dejiyay ee saxda ahaa.
“Madaxtooyadu liis bay soo diyaarsatay shalay ayay noo yimaadeen, waxay noo keeneen liis aanan garanayn 70% maahayn, xitaa dad habraacii soo maray, liiskan waa mid la iska soo qortay oo aan sax aheyn” ayuu yiri guddoomiye Isxaaq.
Guddoomiye Isxaaq Axmed Xasan ayaa sidoo kale sheegay in muran xooggan hareeyay xubnaha guddiga xallinta Khilaafaadka, kaddib markii ay isku khilaafeed shaacinta liiska laga soo gudbiyay Madaxtooyada.
Warkan kasoo yeeray guddoomiyaha guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashada Puntland ayaa uga sii daraya khilaafka ka taagnaa xulista xildhibaannada iyo sidoo kale in liiska lagu soo daray xildhibaanno la sheegay in ay matelayaan Khaatumo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com