Allbanaadir.com
NEWS

Baarlamaanka cusub ee Puntland oo saaka kulmaya iyo ammaanka oo la adkeeyay

Waxaa xalay lagu dhawaaqay liiska golaha cusub ee wakiillada maamulka Puntland, xilli wali uu khilaaf xooggan ka jiro xikdhibaannada golahaasi ku matelaya maamulka Khaatumo State oo horey u shaaciyay in Puntland ka go’een.

Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo xullista xildhibaannada cusub ayaa ku dhawaaqay liiska 66-xildhibaan oo noqonaya golaha cusub ee wakiillada Puntland, xildhibaannadan ayaana lagu wadaa in 8-da bishan soo doortaan madaxweynaha Puntland iyo kuxigeenkiisa.

Xildhibaannada cusub ee Puntland ayaa saakay lagu war-galiyay in ay yimaadaan xarunta golaha Wakiillada, xildhibaannada ayaana la filayaa in saakay lagu dhaariyo xaruntooda , si ay durba shaqadooda u bilaabaan.

Qoraal kooban oo ka soo baxay xog-hayaha Baarlamanka Puntland Cabdirisaaq Xiddig Warsame ayaa lagu wargeliyay xubnaha cusub in ay soo xaadiraan munaasabadda dhaarinta Baarlamanka.

Ammaanka xarunta golaha Wakiillada Puntland iyo guud ahaan goobaha muhiimka ah ee magaalada Garawe ayaa saakay si weyn loo adkeeyay, waxaana magaalada la keenay ciidamo cusub si ay ammaanka u xaqiijiyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Fadeexad dhinaca Baasaboorka ah oo ka taagan Turkiga iyo Baaritaano socda

Cabdi Cade

Putin oo ka diiday Madaxweyne Trump baaq iyo codsiyo uu usoo jeediyay

Cabdi Cade

Natiijo Horu dhac ah oo laga soo saaray Caafimaadka Maskaxda Donald Trump

admin
Taboola Ads ---