Allbanaadir.com
NEWS

Dib u dhac ku yimid shaacinta Xildhibanada cusub ee Puntland & Musharaxiinta oo..

Dib u dhac ayaa ku yimid shaacinta liiska Xildhibaannada cusub ee Baarlamanka Puntland kadib markii uu khilaaf ba’an hareeyay gudddiga oo laba garab u kala jaban.

Khilaafka guddiga oo saacadihii u dambeeyay xoogaystay ayaa salka ku haya xubnaha haysta saxiixa isimada soo jireenka qaarkood oo Madaxtooyadu meesha ka saartay si kuraasta loogu qoro shakhsiyaad kale.

Madaxweynihii hore ee Puntland, Senator Cabdiraxmaan Faroole ayaa diginin u jeediyay guddiga xallinta khilaafaadka iyo madaxweyne Deni, isagoo uga digay in laga leexdo dariiqii baarlamaanka lagu soo xuli jiray.

Faroole wuxuu sheegay in ay mucaaradku magaalada Garowe soo galiyeen ciidamo iyo gaadiid dagaal, kuwaasoo uu sheegay inay ka caraysan yihiin in madaxweyne Deni uu wax isdaba marin ku wado xulista baarlamaanka.

Musharaxiinta Madaxweynaha maamulka Puntland oo caawa warbaahinta kula hadlay magaalada Garowe, ayaa digniin adag ka bixiyay waxay ugu yeereen boob uu madaxweyne Deni ku hayo kuraasta baarlamaanka ee beeluhu leeyihiin.

Musharaxiin uu ka mid yahay madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in madaxweyne Deni  uu ka shaqeynayo inuu Puntland galiyo qalalaase siyaasadeed, isla markaana uu sameystay liis xildhibaano ah oo uu doonayo inuu doorashada ku galo, wuxuuna sheegay in musharaxiintu ka digayaan in madaxweyne Deni uu doorashada ka leexiyo dariiqeedii saxda ahaa.

Wasiirkii hore ee maaliyadda Puntland, Xasan Shire Abgaal oo ka mid ah musharaxiinta ayaa isna madaxweyne Deni ku eedeeyay inuu guddiga xallinta khilaafaadka ku cadaadinayo inay liiska ka saaraan xidhibaano beelahoodu soo xusheen, laguna beddelo kuwa ay madaxtooyada wadato.

Related posts

Tirada kiisaska cudurka COVID-19 ee laga helay gudaha Soomaaliya oo kordhay

Caydiid Ali

Shika Wadatashiga Qaran oo ka furmay Villa Somalia iyo Qodobabada looga hadlayo (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowladda oo Shaacisay in ay la dilay Saraakiil katirsan Al Shabaab iyo xubno la socday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---