Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiirka difaaca Kenya oo booqday Magaalada Kismaayo, lana kulmay..(Sawirro)

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayay Wasiirka difaaca dalka Kenya Adan Barre Ducaale ayaa gaaray maanta magaalada Kismaayo.

Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Dowladda Jubbaland Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud oo ay wehelinayaan wasiirka amniga gudaha Jubbaland  sareeye gaas Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal, Taliyaha qaybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed General Cali Maxamed Maxamuud, (Bog madow) iyo  taliyaha ciidanka Daraawishta Jubaland  Janaraal  Ismaaciil Saxardiid ayaa maanta garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan ku qaabilay Wasiirka Gaashandhiga dalka Kenya Mudane Aadan Barre Ducaale.

Masuuliyiinta ayaa ka wada hadlay arrimaha amniga iyo sidii iskaashi buuxa looga samayn lahaa nabadgalyada xuduudka iyo dagaalka ka dhanka ah Al shabaab.

Wasiirka difaaca dalka Kenya Adan Barre Ducaale ayaa booqday taliska ciidanka Kenya ee ka tirsan Howlgalka ATMIS, isagoo kulamo la qaatay saraakiisha halkaas ku sugan.

Kenya ayaa kumanaan ciidamo ah waxay ka joogaan magaalada Kismaayo iyo degaano kale oo ka tirsan gobolada jubooyinka iyo Gedo, iyagoo dhinaca amaanka ka caawiya maamulka Jubbaland ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe.

Related posts

Madaxweyne Deni oo heshiisyo waaweyn la saxiixday Shiinaha (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Mahdi Maxed Guuleed oo bilaabay dabagalka arrin uu u xilsaaray Raisul Wasaare Khayre (Sawirro)

Caydiid Ali

Xildhibaan Cabdiraxmaan Ibbi oo shaaciyay in Farmaajo Qiyaanay Dhabarkana ka toogtay !1

Cabdi Cade
Taboola Ads ---