Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Ninkii Sababta u noqday in Cunaqabateyn la saaro Turkiga oo xabsi laga sii daayay (Sawirro)

Xiriirkii diblumaasiyeed ee u dhaxeeyay dowladaha Turkiga iyo Mareykanka ayaa meel xun gaaray kadib markii Xukuumada Ankara xirtay Baadari u dhashay dalka Mareykanka oo lagu eedeeyay falal argagaxiso iyo in uu wax ka maleegay afgambigii dhicisoobay ee Turkiga ka dhacay.

Maxkamad kutaala dalka Turkiga ayaa dambi ku heshay Andrew Brunson oo ah baadari Mareykan ah , hasa ahaatee Maxkamada ayaa amartay in baadariga la sii daayo iyada oo sheegtay in labadii sano uu xirnaa waqtigiisa qaatay.

Baadarigan xuriyadiisa  helay ayaa la filayaa in dalkiisa dib ugu laabto kadib labo sano uu xirnaa, waxaana xariga baadariga Mareykanka iyo Turkiga ka dhaliyay xiisad diblumaasiyadeed.

Xukuumada Washigton oo ka careesan xariga baadarigan ayaa cunaqabateyn kusoo rogtay dowlada Turkiga, cunaqabateynta Turkiga la saaray ayaana si weyn looga dareemay dalkaasi saameyn badana ku yeeshay.

Madaxweynaha dalka Mareykanka  Donald Trump ayaa xaqiijiyay in la sii daayay  Andrew Brunson, waxa uu sheegay Madaxweynaha in Brunson uu dhowaan kusoo laaban doono Mareykanka.

Warbaahinta Mareykanka iyo kuwa kale oo caalami ah ayaa ku waramay in maamulka Trump uu xukuumadda Ankara kula heshiiyey in uu ka qafiifiyo cunqabateynaha dhaqaale ee saaran, taa beddelkeedna Turkiga sii daayo baadari Brunson.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dhacdo argagax leh: Labo Arday oo Macalinkii Quraanka barayey ku dilay duleedka Gaalkacyo

Caydiid Ali

Shir u dhaxeeya DF iyo dowlad goboleedyada dalka oo ka furmay Dhuusomareeb (Sawirro)

Cabdi Cade

Shir Saddex geesood ah oo Madaxda Puntland, K/Galbeed & Hirshabelle uga furmay Garowe (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---