Allbanaadir.com
NEWS

Saraakiil iyo dagaalyahano ka tirsan A-shabaab oo duqeymo lagu laayey (Akhriso)

Saraakiil iyo dagaalyahano ka tirsan al shabaab ayaa lagu dilay howlgallo qorshaysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka kuwaasoo ka dhacay goballada Shabeellaha Hoose iyo Mudug.

Howlgalka hore oo ka dhacay deegaanka Nuun-Garre oo hoos taga degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu dilay laba sarkaal oo kala ahaa, Cumaraani Maxamed Malaaq oo ahaa Gudoomiyihii degaanka Bariire iyo madaxii al shabaab u qaabilsanaa sakawaatka beeralayda Saabir.

“Labada horjooge ee la dilay ayaa ahaa dembiileyaal si wayn loogu raad joogay, kuwaas oo loo haystey gabbood fallo ay u gaysteen shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri War-saxaafadeed ay soo saartay DF oo sidan hoose u qornaa:

Related posts

Turkiga oo dib u bilaabaya mashaariic dhismo oo Muqdisho laga fulinayo

Cabdi Cade

Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay sida ay u aragto Madal Muqdisho looga dhawaaqay

Cabdi Cade

Madaxda dowlada oo sameysanaya Xisbi ay kaga qeyb galaan doorashada 2020

Caydiid Ali
Taboola Ads ---