Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Aqalka Cad oo War soo saaray ka dib duqeyntii Mareykanku u geystay Xuutiyiinta

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay in uusan raadineyn colaad ballaaran oo ka dhacda bariga dhexe kadib markii diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Mareykanka ay quusiyeen doonyo ay wateen xoogaga Xuuthiyiinta Yemen

Afhayeenka Aqalka Cad ayaa sheegay in aanu raadinayn colaad ballaadhan oo ka dhacda bariga dhexe ka dib markii diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Maraykanku ay saddex doonyood oo Xuutiyiin ah ku burbuiriyeen badda cas ka dib markii ay rasaas la dhaceen.

Diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa dejiyey doomahaas oo dilay dadkii la socday, iyadoo tani ay noqonayso markii ugu horreysay tan iyo markii ay xiisaddu billowday horraantii sannadkan oo Mareykanku uu ku dilay xubno ka tirsan kooxda Xuuthiyiinta ee ay Iiraan taageerto – kuwaasoo bartilmaameedsada maraakiibta ganacsiga ee ka yimid ama ku sii jeeda Israel ee mara badda cas.

Maraykanka ayaa sheegaya ilaa hadda ka fogaaday inuu si toos ah u duqeeyo kooxdan gudaha Yemen isagoo doonaya inuu ka fogaado inay sii kordhiso dhibaatada.

Laakiin afhayeen u hadlay Golaha Amniga Qaranka ayaa Axaddii sheegay in Mareykanku uu sii wadi doono ku-dhaqanka is-difaaca.

“Ma doonayno colaad ka sii ballaaran gobolka, mana raadinayno colaad Xuutiyiinta. Natiijada ugu wanaagsan ee halkan ku taal waxay noqon doontaa in Xuutiyiintu ay joojiyaan weerarradan, sida aan caddaynay marar badan,” ayuu yiri afhayeenka aqalka cad, John Kirby.

Afar doonyood oo yar yar oo ka yimid “Meelaha ay Xuutiyiinta Yemen maamulaan” ayaa Sabtidii ku weeraray markabla Maersk Hangzhou hub fudud waxayna isku dayeen inay afduubtaan markabka ganacsiga, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay taliska dhexe ee Mareykanka, kaasoo intaa ku daray in Kooxda nabad-sugidda ee diyaaraddaha ay ku jawaabtay rasaas.

Talkiska dhexe ee ciidamada Mareykanka waxaa uu sheegay in diyaaradaha qumaatiga u kaca ee USS Eisenhower iyo USS Gravely ay ka jawaabeen baaqii markabka Maersk Hangzhou oo ahaa kii labaad ee wax ka yar 24 saacadood ay soo rideen doonyaha Xuutiyiinta.

“Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Mareykanka ayaa duqeyn ku dejiyey degtay saddex ka mid ah afarta doomood ee yaryar, waxayna dileen shaqaalihii saarnaa. Doontii afraad ayaa ka carartay aagga,” ayaa lagu yiri bayaanka”

Xuuthiyiinta ayaa tobonaan weeraro ah ku qaaday maraakiibta ganacsiga tan iyo 7-dii Oktoobar, Mareykanka ayaa maraakiib dagaal geeyay badda cas si loo xoojiyo ammaanka marinka muhiimka ah ee maraakiibta caalamiga ah.

Mar wax laga weydiiyay rajada laga qabo in weerar ka hortag ah laga sameeyo gobolka, Kirby waxa uu ku celiyay mowqifka Aqalka Cad: “Ma xukumayno gudaha iyo dibaddaba, laakiin waxaan si cad ugu sheegnay Xuutiyiinta iyo si gaar ah xulafadayada iyo saaxiibadayada gobolka. si dhab ah ayaanu u qaadanaynaa hanjabaadahaas, waxaananu qaadan doonaa go’aamo sax ah oo hore u socda.”

Related posts

(Akhriso) Dowlada Somalia shaacisay in la dilay hogaamiye sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Caydiid Ali

Maamulka K/Galbeed oo amar cusub ku soo rogay xarumaha Waxbarashada (Akhriso)

Caydiid Ali

Deni iyo kuxigeenkiisa oo Siyaabo kala duwan ula kulmay Dagnachew Yitberke (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---