Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Muuse Biixi iyo wafdigiisa oo si weyn loogu soo dhoweeyey Addis ababa

Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefdigii uu hoggaaminayey oo gaaray dalka Itoobiya oo ay maanta uga bilaabantay booqasho rasmi ah ka dib mariqaad uu ka helay Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed Ali.

Madaxweynaha waxa madaarka Caalamiga ah ee Bole International Airport ku sugayey kuna soo dhaweeyey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Ethiopia Mudane Demeke Mekonnen, iyo masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dawladda Itoobiya.

Soo dhawaynta Madaxweynaha oo Hab maamuuskeedu ahaa mid aad u sareeya ayaa qadar nasasho ah ka dib loo galbiyey qasriga madaxtooyada.

Waxaa Madaxweynaha safarka ku wehelinaya Wasiirrada Wasaaradaha Waxbarashada iyo Sayniska, Dr. Axmed Aadan Axmed (Buuxane), Qorshaynta iyo Horunarinta Qaranka, mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), Horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, ku-xigeenka Ganacsiga iyo Dalxiiska, Mudane Muuse Ibraahim Selef, halka wasiirka arrimaha dibadda iyo xidhiidhka caalamiga ah, Dr. Ciise Keyd Maxamuud uu dalka Itoobiya kaga sii horeeyo weftiga iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Itoobiya, Amb Cumar Cabdilaahi Badde iyo Safiirku xigeenkIISa Amb. Barkhad Maxamed Kaariye.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Senatar Maraykan ah oo Israel ugu baaqay iney bam Nuclear ah ku dhufato Gaza

Caydiid Ali

Laftagareen oo war ka soo saaray doorashada iyo ciidanka Kenya oo ku lug yeeshay..

Caydiid Ali

Ciidamada DF oo qaaday talaabo lagu joojinayo dagaaladii Wanle-weyn (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---