Hoos u dhigista Al Shabaab iyo hagaajinta awooda Ciidamada Nabadsugida Soomaaliya (SSF) ayaa ah mudnaanta koowaad ee howlgalka Midowga Afrika ee Ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) sanadka 2024-ka sida ay sheegeen Taliyaha Ciidanka ATMIS Lt. Gen. Sam Okiding iyo Taliyaha Bilayska ATMIS, CP Hillary Sao Kanu.
“Hawsha koowaad ee aan qabanayno sanadka soo socda waxay noqon doontaa hoos u dhigista Al Shabaab. Waa in Al Shabaab laga adkaado si shacabka Soomaaliyeed ay ugu noolaadaan nabad iyo wada noolaansho,” ayuu yiri Taliyaha ATMIS.
Si loo gaaro hadafyadan, shir ay isugu imaanayaan dhammaan taliyayaasha ATMIS-ka ayaa lagu qaban doonaa Muqdisho si loo sifeeyo Fikradda hadda jirta ee Hawlgallada si si hufan looga hortago dagaalka Al Shabaab.
Taliyaha Booliiska ATMIS waxay iftiimisay in qaybta booliisku ay diiradda saari doonto siinta xirfadaha takhasuska leh ee ciidanka booliska Somalia iyo horumarinta waxqabadyada bulshada ku salaysan.
“Sanadka cusub, waxaanu hagaajin doonaa tababaradayada ku saabsan bilayska bulshada, xirfadaha baarista, la dagaalanka dambiyada Maaliyadeed, lacagaha la dhaqo, ka ganacsiga iyo Maamulka nidaamka guud,” ayuu yiri CP Kanu.
Waxay xustay in booliska ay cadeeyeen in lagu guuleystay in la abuuro wadashaqeyn dhex marta ciidamada ammaanka iyo dadka deegaanka, xoojinta dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.
“Siyaasadda bulshadu waxay xoojisay wada shaqaynta ka dhaxaysa ciidamada ammaanka iyo dadka deegaanka. Tani waa muhiim sababtoo ah waxaan u baahanahay wadashaqeyn buuxda oo xubnaha bulshada ah ee dagaalka lagula jiro Al Shabaab,” ayey raacisay CP Kanu
Waxyaabihii u qabsoomay 2023, Lt. Gen. Okiding ayaa tilmaamay in la soo gabagabeeyay 236 howlgal oo ciidan, iyadoo 41% ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada nabad sugidda Soomaaliya (SSF).
Howlgallada uu xusay ayaa ahaa kuwo wax ku ool u ahaa sugidda xarumaha dadweynaha, ilaalinta waddooyinka muhiimka ah ee saadka, xoreynta magaalooyinka iyo tuulooyinka muhiimka ah sida kaynta Farqalaal, Gadaan iyo Cali Fooldheere iyo fududeynta qaybinta gargaarka bini’aadantinimo ee la gaarsiinayo bulshada dhibaateysan.
“Waxaa muhiim ah in la ogaado in ATMIS ay sidoo kale kala kaashadeen Ciidamada Ammaanka Soomaaliya (SSF) sidii Al-shabaab looga saari lahaa deegaannada ay ka midka yihiin Jubbaland, Galmudug, Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose,” ayuu hadalkiisa ku daray Lt. Gen. Okiding.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa shaaca ka qaaday in ATMIS ay sii xoojin doonto barnaamijkeeda la talinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA) isla markaana ay si joogto ah dowladda ugala talineyso horumarinta tayada ciidamada si loo xaqiijiyo in ay u adkeystaan ciidamada ay ka tageen.
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ayaa sidoo kale tilmaamay in bishii June ee sanadkan si guul ah loo soo gaba gabeeyay wajigii koowaad ee dhimista ciidamada ATMIS iyo xoojinta guulihii laga gaaray howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) oo horudhac u ahaa ATMIS, taasi oo ka mid ahayd guulaha waaweyn ee la gaaray.
“Sanadka oo dhan waxaan diiradda saarnay wareejinta mas’uuliyadaha amniga ee dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana si guul ah u soo gabagabeynay wejigii koowaad ee dhimista ciidamada ATMIS,” ayuu xusay.
Howlaha kale ee ay qabteen qeybta ciidanku waxaa ka mid ahaa bixinta biyo nadiif ah bulshada deegaanka, daryeelka caafimaadka iyo adeegyada bukaan-socodka, deeq raashin ah iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.
CP Kanu ayaa carabka ku dhufatay guulaha la taaban karo ee qeybta ATMIS-ta ay ka gaareen dhanka tababarada iyo taageerada dhanka howlgalinta ah ee ciidanka booliska Soomaaliyeed
“Annaga (Qaybta Booliska ATMIS) waxaan sameynay roondo kala duwan oo wadajir ah oo ay la socdaan SPF, waxaana sidoo kale u daabunay askarteenna si ay u sugaan xarumaha kala duwan ee dowladda, sida Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Cadaaladda, iyo sidoo kale Dugsiga Booliska ee General Kaahiye,” ayay tiri.
Lt. Gen Okiding iyo CP Kanu, ayaa bogaadiyay sida ay u hurayaan ciidamada iyo saraakiisha booliska ee howlgalka ka wada, iyagoo kula dar daarmay inay feejignaadaan oo ay ka fogaadaan is-afgarad.
“Saraakiishayadu waa inay feejignaadaan sanadka cusub, kana fogaadaan khaladaadka aan loo baahnayn ee faa’iido u leh Al-Shabaab,” ayuu yiri Taliyaha Xoogga, isagoo Soomaalida ku booriyay inay xoojiyaan oo ay qaataan midnimada sanadka cusub.
Isagoo raacaya dareenka Lt. Gen. Okiding, CP Kanu wuxuu ku booriyay dadka deegaanka inay si iskood ah u ilaaliyaan midnimada qaranka xitaa ka dib bixitaanka ATMIS.
“Farriinta aan u dirayo dadka Soomaaliyeed waxay ku saabsan tahay midnimada iyo in la hubiyo in ay ka wada shaqeeyaan sidii aan u heli lahayn nabad aan dhammaanteen u soo halgamayno,” ayuu hadalkiisa ku daray Taliyaha Booliiska.