Ciidamada badda dalka Mareykanka oo adeegsanaya diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa bur buriyay dooman ay lahaayeen Xuutiyiinta Yemen, kuwaa oo la sheegay in ay doonayeen afduubka markab kunteenaro siday.
Afar doon oo nuuca dheereeya ah ay wateen Xuutiyiinta ayaa la sheegay in ay isku dayeen in ay fuulaan Markab Konteenar ah oo marayay Badda Cas, waxaana markabkan lagu furay rasaas culus kahor inta uusan helin gurmad .
Kooxda Xuutiyiinta ee watay afarta doon ayaa qarka u fuulay in ay afduubtaan markabka Maersk Hangzhou, waxa ayna soo gaareen meel mitit u jirta kahor inta aysan soo gurman ciidamada badda ee dalka Mareykanka.
Diyaarado Helicopters ah oo ka yimid maraakiibta dagaalka ee Maraykanka ee u dhowaa ayaa weerar ku qaaday doomanka ay wateen Xuutiyiinta, waxa ayna Mareykanka bur buriyeen saddex kamid ah doomanka Xuutiyiinta halka tii afaraad ay baxsatay.
Xuutiyiinta Yemen ayaa kordhiyay weerarada ay ku qaadayaan maraakiibta marinka u ah badda cas tan iyo bishii Nomvember, waxa ayna Xuutiyiintan weerarkan ku sheegeen mid ay garab ku siinayaan shacabka Falastiin ee weerarka kala kulmaya Israa’iil.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com