Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Shacabka oo dood ka yeeshay heshiiska aas-aaska ciidanka Heeganka ah ee Bariga Afrika

Kalfadhiga 4-aad kulankiisa 6aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS oo Maanta shir Guddoomineysay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka BJFS Marwo. Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, sidoo kale waxaa goob joog ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullahi Cumar Abshirow.

Kulanka ayaa ajandihiisu ahaa
1)Warbixinta Akhrinta 2aad ee Hashiiska Aas-aaska Ciidamada Heeganka ah ee Bariga Afrika
2)Qeybinta Hindise-Sharciyeedyada kala ah
A)Hindise-Sharciyeedka Xeerka Shaqada Soomaaliyeed
B)Hindise-Sharciyeedka Ilaalinta iyo Taakuleynta Barakacayaasha.

Xildhibaanada oo dood dheer ka-yeeshay Hashiiska Aas-aaska Ciidamada Heeganka ah ee Bariga Afrika ayaa su.aallo kaweeydiiyay Ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga ahna wasiir Ku-Xigeenka wasaaradda Gaashaandhiga Mudane Abdifitaax Qaasim oo goobjoog ahaa kulanka maanta Waxa uuna mid mid ugu jawaabay dhamaan su’aallaha Xildhibaanada ay weydiiyeen.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka BJFS Marwo. Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa soo xirtay kulanka maanta

 

Related posts

(Daawo Video) Dhibane Cabdullaahi Ganeey oo ku dhibaataysnaa degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho oo deeq lacag ah la gaarsiiyay !!

admin

Dagaal ka dhacay Luuq, xili shalay heshiis la kala saxiixday

Caydiid Ali

Boqor caan ah oo ragga ku nool dalkiisa ku soo rogay amar yaab leh

Caydiid Ali
Taboola Ads ---