Allbanaadir.com
NEWS

Rag lagu eedeeyay in ay basaas u ahaayeen Israa’iil oo xukun dal dalaad ah lagu fuliyay

Dowladda Iran ayaa xukun daldalaad ah ku fulisay afar nin oo lagu eedeeyay in ay ku howlanaayeen basaasida cadawga Israa’iil iyo falal kale oo lagu sheegay in ay ahaayeen qaran dumis.

Xabsiga Urmia ee dalka Iran ayaa lagu daldalay afartan nin oo muddo ku xirnaa xabsi si gaar ah loo ilaaliyo, waxaana daldalaada lagu fuliyay raggan eedeysanayaasha ah warbaahinta u xaqiijiyay garsoorka Iran.

Raggan la toogtay oo lagu kala magacaabo Wafa Hanareh, Aram Omri, Rahman Parhazou iyo Nasim Namazi ayaa xukunka dilka ah lagu xukumay sannad ka hor, waxa ayna qeyb ka ahaayeen dad kale oo isla kiiskan loo xukumay.

Garsoorka Iran ayaa sidoo kale ku eedeeyay ragan in ay afduubteen dad una hanjabeen oo ay jirdileen, si ay si been abuur ah ugu sheegaan in ay yihiin ilaalada Iiraan kadibna ay been ku saabsaan hadafkooda mustaqbalka ka faafiyaan.

Daldalaada raggan ayaa kusoo aadeysa maalin kaddib markii la aasay Razi Mousavi oo ahaa sargaal sare oo katirsanaa ilaalada Kacaanka Iran, kaa oo lagu dilay gudaha Syria, waxaana dilkiisa lagu eedeeyay in Israa’iil ka dambeesay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DEG DEG: Boqorkii K/Cagta dunida Pele oo geeriyooday isagoo 82 jir ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlada Imaaraadka Carabta oo Fariin adag u dirtay Dowlada Turkiga

Cabdi Cade

Raisul Wasaare Rooble oo si kulul uga hadlay qaraxa lagu dilay Xildhibaanad Aamino

Caydiid Ali
Taboola Ads ---