Allbanaadir.com
NEWS

Nin Mareykan ah oo ku biiri rabay Al Shabaab oo la qabtay laguna celiyay dalkiisa

Nin u dhashay dalka Mareykanka oo doonayay in uu ku biiro kooxda Al Shabaab ayaa 14-kii bishan lagu qabtay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, waxaana ninkan lagu eedeeyay ku biirista koox argagaxiso ah.

Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa sheegtay Karrem Nasr oo 23-sanno jir ah  uu damacsanaa in uu kamid noqdo kooxda Al Shabaab, waxa ayna xustay in ninkan dhiiro-gelin ka helay weerarkii Xamaas ku qaaday Israa’iil 7-dii October.

“Sida la sheegay, Karrem Nasr, wuxuu dhiirro-gelin ka helay weerarkii ba’naa ee ay Xamaas qaadeen 7-dii Oktoobar, isagoo ku talogalay inuu sameeyo jihaad ka dhan ah Ameerika iyo xulafadiisa,” ayuu yiri xeer-ilaaliyaha Mareykanka Damian Williams.

Ninkan lagu eedeeyay in uu ku biiri rabay Al Shabaab ayaa kasoo tagay Mareykanka bishii July ee sannadkan, waxa uuna bilooyin ku sugnaa dalka Masar , kahor inta uusan kasoo degin magaalada Nairobi laguna xirin.

Laamaha ammaanka dalka Kenya ayaana ninkan u gacan-geliyay sirdoonka Mareykanka, waxaana ninkan maalintii Khamiista aheyd dib loogu celiyay dalka Mareykanka, halkaas oo la filayo in lagu maxkamadeeyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Sababaha Fashilka Somalia: Siyaasadda Somaliweyn 4.5 iyo Nidaamka Fadaraalka

Cabdi Cade

Akhriso: Magacyada Burcad-baddeed hor leh oo lagu wareejiyey booliska Hindiya

Cabdi Cade

Dalal hor leh oo hakiyey isticmaalka tallaalka COVID-19 ee AstraZeneca

Caydiid Ali
Taboola Ads ---