Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Siciid Deni oo diidan go’aankii Isimada Puntland iyo Axmed Karaash oo…

Isimada dowlad goboleedka Puntland ayaa xalay go’aamiyay in golaha wakiillada cusub ee Puntland laga reebo xildhibaannadii kumatali jiray deegaannada SSC Khaatumo, kuwaa oo dhisay maamul goboleed u gaar ah.

War-murtiyeed ay soo saareen isimada ayeyna ku go’aamiyeen in kaliya lasoo xulo 49-xildhibaan uu ka koobnaan doono golaha cusub ee wakiillada Puntland ,kuwaa oo lagu wado in ay doortaan madaxweynaha Puntland.

Go’aanka kasoo baxay isimada Puntland ayaa wararku sheegayaan in si weyn uga soo horjeedo madaxweynaha muddo xileedkiisu maalmaha ka harsan yihiin ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, kaa oo doonaya in xildhibaannada Dhulbahante lasoo xulo.

Siciid Deni oo habeen kahor ku dhawaaqay in uu mar kale xilka madaxweynaha u sharaxan yahay ayaa shaaciyay in xildhibaannada Dhulbahante lasoo xulayo ayna qeyb ka noqon doonaan doorashada dhaceysa.

Sida aan xogta ku heleyno madaxweyne Deni ayaa diidan go’aanka xalay soo saareen isimada, waxa uuna guddiga xalinta khilaafaadka iyo xulista xildhibaannada uu xalay la kulmay ka dalbaday in ay  diiwaan-geliyaan xildhibaannada Dhulbahante matelaya.

Dhinaca kale madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Karaash ayaa dhankiisa taageeray go’aanka isimada Puntland soo saareen, waxaana xogaha sheegayaan in Axmed Karaash raali ka yahay in Khaatumo laga reebo Puntland ayna noqdaan maamul madax-bannaan.

Doorashada Puntland ayaa wajaheysa caqabado dhinacyo kala duwan uga imaanaya, waxaana laga cabsi qabaa in doorashada loo ballan-san yahay xilligeeda ku dhici weyso ayna dib u dhacaan xulista xildhibaannada Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

AMISOM oo qiratay in ciidankooda ka dambeeyeen dadkii lagu laayay Golweyn

Cabdi Cade

(Sawirro) NISA oo qabatay 3 nin oo ku eedeeysan..

Caydiid Ali

Maxaa Kibirkii Uhuru Kenyatta Jibiyey Maxuuse Ka Qaban Karaa Abiy Axmed?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---