Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaan Ibraahim Deyfullaah oo galabta la dilay iyo Ra’isul Wasaare Xamse oo ka hadlay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa uga tacsiyeeyay qoyska, ehelada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed geerida Allaha u naxariiste Marxuum Ibraahim Saalax Deyfullaah oo galabta kooxo arxan daran ay ku dileen magaalada Muqdisho isaga oo ka soo baxaya Masaajidka Alle.

Mudane Xamsa ayaa sheegay in Marxuumku ahaa Xildhibaan hore ee Golaha Shacabka oo sanado badan u soo adeegay dadka iyo dalka, isla markaana uu dilkiisu ka tarjumayo dhaqanka xun ee Khawaarijtu ay ku bartilmaameedsanayaan aqoonyahanka iyo indheergaradka Soomaaliyeed, markii looga adkaaday furimaha dagaalka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Allaah (SWT) uga baryay marxuumka inuu janadii Fardowsa ka waraabiyo, qoyskiisa iyo ummadda Soomaaliyeedna Samir iyo iimaan ka siiyo.

Ciidamada ammaanka ayaana ku guuleysan in ay gacanta kusoo dhigaan kooxdii ka dambeysay dilka xildhibaan hore Deyfulaah, waxa ayna saraakiisha booliiska sheegeen in ay wadaan baaritaano ku aadan dilka loo geestay xildhibaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirkii Maaliyadda ee dowladii Farmaajo oo ka degay Magalada Hargeysa

Caydiid Ali

Ciidamo katirsanaa Duufaan oo Dib ugu laabtay Al Shabaab iyo Cabsi kusoo korortay Muqdisho

admin

Xarun lagu tababari jiray xubnaha ku biiraya Al Shabaab oo lala wareegay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---