Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo daah-furay koobka dowlad goboleedyada (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyqdda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa galabta daah furay tartanka Dowlad-goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir oo ka bilowday Stadion Muqdisho.

Kulanka daah-furka koobka oo ay ku tar tamayeen xulalka Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ku bogaadiyey bahda ciyaaraha Soomaaliyeed sida ay ugu mideysan yihiin xoojinta is-dhexgalka, nabadda iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

“Ciyaarta macnaha ugu weyn waa in la is barto, isdhexgal yimaado, lagu saaxiibo, la isugu yimaado, sidoo kale, dadku waa wada farxsan yihiin. Waxaan rajaynayaa in sannad walba aynu isugu nimaadno jawigaan farxadeed oo kale”.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa tilmaamay muhiimadda xasilinta amniga caasimaddu ay u leedahay horumarinta dhallinyarada, iyadoo jawiga nabadeed ee uu ku bilowday tartanku uu muujinayo dadaalka dowladdu ay ku bixisay xaqiijinta amniga caasimadda Muqdisho.

Furitaanka Koobka Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir waxaa ku weheliyey Ra’iisul Wasaaraha, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Maamulka Gobolka Banaadir iyo bahda ciyaaraha ee heer Federaal iyo heer gobol.

Related posts

(Sawirro) Toogasho khasaare nafeed sababtay oo ka dhacday Mareykanka

Caydiid Ali

Ciidamada Dowlada oo Dhuusomareeb ku xiray Masuul katirsanaa Kooxda Ahlu Sunna

Cabdi Cade

Koob Kubada Cagta oo lagu soo gabo gabeeyay Degmada Dayniile (Daawo Sawirada)

admin
Taboola Ads ---