Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qaramada Midoobay oo quus & rajo la’aan ka muujisay xaalada Magaalada Gaza

Madaxa gargaarka Qaramada Midoobay ayaa khamiistii ka sheekeeyay niyad jabka ka jira in gargaarka la geeyo Gaza, halkaasoo masiibo gaajo daran ay saameyn ku yeelatay malaayiin qof iyadoo Israa’iil ay sii wado duulaankeeda ka dhanka ah Xamaas.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa X, Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Bani’aadam-nimada iyo Isku-duwaha Gargaarka Degdegga ah Martin Griffiths ayaa xaalada Gaza ku tilmaamay mid quus ah.

“Tani waa xaalad aan macquul ahayn oo quus ah dadka Gaza iyo kuwa isku dayaya inay caawiyaan.” ayuu yiri Griffiths.

Wuxuu Magacaabay dhowr caqabadood oo ay ka mid yihiin duqeymo joogto ah. Isgaarsiin xumo, Wadooyinka burburay, iyo kuwo kale.

“Ma waxaad u maleyneysaa in gargaarka Gaza la galiyo ay fududahay? Mar kale ka fakar,” ayuu yiri.

“Saddex jeer oo baaritaan ah ayaa a mariyaa ka hor intaanay baabuurtu soo galin Gaza,” ayuu raaciyay, isagoo xusay iney dheer tahay jahawareerka iyo safafka dhaadheer oo ay weheliso liiska sii kordhaya ee alaabta la diiday.

Gawaari gaaraya 103 oo kuwa xamuulka qaada ah ayaa ka soo galay dhanka Masar iyagoo soo maray marinka Rafah maalintii Khamiista, waxaana ka mid ahaa 80 baabuur oo kuwa gargaarka ah iyo 23 kuwa xamuulka qaada ah oo siday alaabo ganacsi.

Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo hay’adaha gargaarka ayaa sheegay in tirada baabuurta xamuulka ah ee galaya Gaza aysan ku filneyn inay daboolaan baahiyaha aasaasiga ah.

Iskahorimaadka ka hor, Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in celcelis ahaan maalin walba la geyn jiray 455 baabuur oo xamuul ganacsi u siday Gaza.

Milatariga Israel ayaa Khamiistii ku booriyay dad badan oo deggan inay ka baxaan qaybo ka mid ah bartamaha Gaza inta ay socdaan hawlgallada ka dhanka ah Xamaas.

Related posts

(Akhriso) Saddex dowlad goboleed oo War ka soo saaray Shirkii Deni & Axmed Madoobe

Caydiid Ali

Max’uud Sayid Aadan “Kenya dhaqaalahoodii iyo dhiigoodii ayey nala garab taagan yihiin”

Caydiid Ali

Wasiirka amniga oo War cusub ka soo saaray shaqaaqadii garoonka Aadan cadde

Caydiid Ali
Taboola Ads ---