Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Israel oo markii u horeysay qiratay iney shacab ku leysay Magaalada Gaza

Ciidamada Israa’iil ayaa qirtay inay jiraan wax ay ugu yeereen dhibaatooyin aan ku tala-gal ahayn oo loo geystay dad rayid ah oo ka dhashay duqeymo xagga cirka ah oo ka dhacay bartamaha Gaza 24-kii December.

Weeraradan ayaa ahaa kuwa ka dhan ah bartilmaameedyada xerada qaxootiga ee Al-Maghazi . Ku dhawaad ​​70 qof ayaa lagu dilay duqeymaha, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Gaza.

Intii lagu guda jiray “hawlaha Marinka Gaza ee ka dhanka ah bartilmaameedyada argagixisada Hamas, diyaaradaha dagaalka ee waxay duqeeyeen laba bartilmaameed oo ku dhow oo ay ku sugnaayeen hawl-wadeennada Xamaas 24kii December, 2023,” ayaa lagu yiri hadal ay soo saareen ciidamada Yuhuuda.

“Kahor inta aan weerarrada la qaadin, tillaabooyin ayaanu qaadnay si aan u yareyno waxyeelada loo geysto dadka rayidka ah ee aan lug ku lahayn dagaalka. Baaritaan horudhac ah ayaa shaaca ka qaaday in dhismayaal dheeri ah oo ku yaal meel u dhow bartilmaameedyada sidoo kale la garaacay inta lagu gudajiro weerarada, kuwaasoo ay u badan tahay in ay dhibaato aan ula kac ahayn u geysatay dad rayid ah oo dheeraad ah oo aan lug ku laheyn.” ayey sidoo kale bayaan ku sheegtay Israel.

Waxa ay sheegtay in baaritaan dheeraad ah lagu samayn doono dhacdadan Waxayna xustay inay ka xuntahay dhibaatadii loo geystay dad rayid ah oo aan lug ku lahayn ayna ku hawlan tahay sidii ay gunaanad iyo casharo uga baran lahayd dhacdadan.

Israel ayaa ku dhowaad 5 bilood gudahood ku xasuuqday Gaza dad ka badan 21 kun oo qof halka 55 kun kalena ay ku dhaawacmay, waana markii ugu horeysay ee ay si cad u qirato iney iney dad shacab ah ku leysay Gaza.

 

Related posts

Kenya oo xaalku ku xun yahay & C/raxmaan C/shakuur oo mar kale eedeeyey Farmaajo

Caydiid Ali

Xus loo sameenayo Labo Oday oo Sabab u ahaa in lala Dagaalamo Al Shabaab oo socda (Sawirro)

Cabdi Cade

Dugsi casri ah Oo Bishaaro Qiimo Badan U Sida Qurbajoogta Soomaaliyeed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---