Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Warbaahinta reer Galbeedka oo qaaday Talaabo dharbaaxo ku ah dowladda Sacuudiga

Warbaahinta reer galbeedka ayaa qaadacay ka qeybgalka shirka maalgashiga oo lagu wado inuu ka dhaco magaalada Riyaad ee dalka Sucuudiga sababo la xiriira walaac ay shirkadahaasi ka muujiyeen weriye u dhashay Sucuudiga oo la la’yahay.

Shirkadahan warbaahineed oo ay ka mid yihiin wargeysyada The New York Times, iyo the Economist, ayaa sheegay inay go’aansadeen in aysan ka qeyb galin kulankaasi oo lagu wado inay ka soo qeybgalaan ganacsatada dunida ugu caasnan.

Jamal Khashoggi ayaa la waayay meel uu jaan iyo cirib dhigay muddo haatan laga joogo toban maalmood kaddib markii uu booqday qunsuliyadda Sucuudigu ku leeyahay gudaha magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Cadaadiska ayaa haatan ku sii kordhaya dowladda Sucuudiga iyadoo dowlada Turkiga ay horey u sheegtay in weriyaha lagu dhex dilay Qunsuliyada sacuudiga dhexdeeda inkastoo sacuudigu beeniyeen arintaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka DF oo weeraray Kontrol Al-Shabaab dhigatay Jidka Buur hakaba & Baydhabo

Caydiid Ali

Dowladda oo soo dhaweysay Qaraarkii kasoo baxay Golaha Ammaanka

Cabdi Cade

COVID-19: Soomaaliya oo lagu daray liiska dalalka halista ah ee booqanaya UK

Caydiid Ali
Taboola Ads ---