Allbanaadir.com
NEWS

Qorshayaasha u degsan maamulka gobolka Banaadir sannadka 2024 oo lasoo bandhigay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa furay Kulanka Wada-tashiga Qorshe Hawleedka Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ee sanadka 2024, oo ay soo diyaariyeen Xafiiska Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Kulankaan ayaa lagu soo bandhigay Qorshayaasha u dagsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar sanadka cusub ee 2024, iyadoona sidoo kale lasoo bandhigay waxa ka qabsoomay Qorshihii 2023 iyo waxyaabaha aan qabsoomin.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in fulinta Hawlaha hortabinta leh ee Qorshaha 2024 ay noqon doonto mid la iskula xisaabtami doonno.

Madasha waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud, Agaasimeyaasha Guud, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir, Agaasime waaxeedyada iyo La-taliyeyaal ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Related posts

Qaramada Midoobay oo digniin culus ka bixisay khatar ka taagan Soomaaliya

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaaraha dalka Pakistan oo la toogtay iyo Faahfaahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Galmudug oo ka hadashay Afduub loo geestay shaqaale ka tirsan Wasaarada arrimaha Gudaha

Cabdi Cade
Taboola Ads ---