Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirro katirsan Xukuumadda Deni kana soo jeeda Dhulbahante oo bayaan soo saaray

Wasiirro katirsan xukuumadda madaxweynaha Puntland Siciid Deni, siyaasiyiin horey xilal usoo qabtay iyo xubno kale ayaa bayaan wadajir ah ay soo saareen uga hor-yimid war-saxaafadeed shalay kasoo baxay qaar kamid ah musharaxiinta mucaaradka Puntaland.

Bayaanka ay soo saareen xubnahan badankood katirsan xukuumadda Deni ayey ku sheegeen in warqadii ay shalay soo saareen musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha Puntland aysan waafaqsaneyn dastuurka Puntland.

Waxa ay sidoo kale xubnahan bayaankooda ku sheegeen in guddiga xalinta khilaafaadka iyo xulista xildhibaannada shaqadooda lagu faragalin, iyaga oo sidoo kale taageeray in doorashada waqtigeeda ku dhacdo.

Bayaan ay soo saareen wasiirradan katirsan xukuumadda Puntland ayaa sidoo kale looga digay musharaxiinta mucaaradka in aysan ku gor gortamin xubnaha golaha wakiillada Puntland kasoo galaya beesha Dhulbahante.

Halkan ka Akhriso Bayaan ay soo saareen masuuliyiintan

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Axmed Madoobe oo Daahfuray Tartanka Kubada Cagta ee Kooxaha Jubbaland (Sawirro)

Cabdi Cade

Mareykanka oo ka digay weeraro ku soo wajahan Muqdisho

Caydiid Ali

Odayaal Dhaqmeed Shahaado Sharaf Guddoonsiiyey Hey’adda Hormuud (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---