Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Muuse Biixi oo maanta kulmaya iyo Somaliland oo ka hadashay

Waxaa maanta oo Khamiis ah lagu wadaa in dalka Jabuuti gaaraan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kuwaa oo la filayo in kulan halkaasi ku yeeshaan.

Labada madaxweyne iyo wafdi ay hoggaaminayaan ayaa la filayaa in ay gaaraan  Jabuuti, waxa ayna halkaasi ku yeelan doonaan Xasan Sheekh iyo Muuse Biixi kulan fool ka fool ah ay uga wada hadlayaan dib u bilaabida wadahadaladii u dhaxeeyay labada dhinax.

Madaxtooyada Soomaaliland ayaa goordhaw baahisay in madaxweyne Muuse Biixi u ambo baxay dalka Jabuuti, waxa ayna sheegeen in ujeedka safarka madaxweynaha uu yahay sii ambo qaadida wadahadakdii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Somaliland.

”Ujeedada safarkan weftiga Madaxweynuhu hoggaaminayo ayaa ah in halkaa laga sii amba qaado wada hadalladii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya oo ku bilaami doona heer Madaxweyneyaal” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay madaxtooyada Somaliland.

Madaxweyne Xasan Sheekh uyo Muuse Biixi ayaa sannadkii hore  ugu kulmay magaalada Jabuuti, xilligaas oo labada madaxweyne Jabuuti u tageen ka qeyb galka maherka gabadha madaxweynaha Jabuuti uu guursanayay xildhibaan Saadaq Joon.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

 

Related posts

Ciidamada AMISOM oo dilay dad isku qoys ah kaddib Cabsi xooggan oo lasoo daristay

Cabdi Cade

Go’aano ka soo baxay kulan ay yeesheen Maamulka G/Banaadir & laamaha amniga (Sawirro)

Caydiid Ali

Dagaalyahano ka soo goostay Al-Shabaab oo Baydhabo iska dhiibay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---