Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ku marti-qaadan Kulan Dadweyne oo ay qabaneyso Madasha Minbar initiative oo shacabka Soomaaliyeed ay ku waydiinayaan su’aalo ku saabsan caqabadaha iyo hurumarka dowlad dhiska Soomaaliya.
Mawduucyada aasaasiga ah ee Madaxweynaha wax laga weydiinayo ayaa la xiriira talaabooyinka waaweyn ee Dowlad Federaalka Soomaaliya qaaday sanadka 2023
1-Dagaalka dalka looga xoreynayo Argagixisada, qorshaha xasilinta iyo xajinta
2-Cunuqabateynta hubka ee la qaaday waxa xiga, qalabeynta iyo tayeynta ciidanka qalabka sida.
3-Bixitaanka ATMIS iyo qorsha ciidanka xooga dalka kula wareegayaan goobaha ay kabaxaan.
4-Amniga Caasimada.
5-Deynta Soomaaliya laga cafiyay.
5-Ku biiritaanka Soomaaliya ee Dallada Bulshada Bariga Afrika iyo Siyaasadda arrimaha dibadda.
HOOS KA DAAWO TOOS