Allbanaadir.com
NEWS

Taliye Mahad Salaad oo qaaday talaabo kale oo aan looga baran (Sawirro)

Taliyaha NISA ayaa galabta qaaday talaabo kale oo aan looga baran ka dib markii uu masuuliyiin ka tirsan DF kala qeyb galay daawashada Kulan ciyaareed u dhexeeyay Kooxaha Kubadda Cagta Horseed iyo Heegan oo ka dhacay Garoonka Ciyaaraha Stadium Muqdisho.

Ciyaartaas waxaa u daawasho tagay Mas’uuliyiin kale oo ay ka mid yihiin, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Wasiiru dowlaha Amniga, Wasiiru dowlaha Howlaha guud, , Taliyaha Ciidanka Boliiska iyo masuuliyiin kale.

Ujeedka kulan ciyaareedkaan ayaa ahaa mid lagu soo dhaweynayay in dalka laga qaaday Cunaqabateyntii hubka ee saarneyd 31 sano.

Ciyaarta ayaa ku soo dhammaatay 4-0 oo ay kooxda Horseed ee ciidanka xoogga dalku ugu awood sheegatay xidigaha Heegan ee Ciidanka Boliiska.

Mahad Salaad ayaa dhowaanahan bilaabay inuu ka soo dhex muuqdo goobaha ay bulshadu ku kulanto, dhowaan ayeyna aheyd markii uu booqday Suuqa Bakaaraha iyo Xeebta Liido, uuna dhex galay shacabkii ku sugnaa labadaas goobood.

Taliyeyaashii soo maray NISA ee ka horeeyey Mahad Salaad ayey dhif iyo naadir aheyd in lagu arko shirarka iyo goobaha ay bulshadu ku kulanto, siyaabo kala duwan ayaana looga fal celiyey hab dhaqanka uu la soo baxay Agaasime Mahad Salaad.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

 

Related posts

Axmed Madoobe oo booqday ciidamo loo diyaariyay dagaal ka dhan ah Al Shabaab (Sawirro)

Cabdi Cade

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee arraga (World Sight Day) oo lagu qabtay Muqdisho

Caydiid Ali

Dowladda Soomaaliya oo taageero ka codsatay Deeq bixiyaasha Caalmka (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---