Allbanaadir.com
NEWS

Masuuliyiinta heyadaha Qaramada Midoobay oo loo diiday fiisaha dalka..

Israa’iil ayaa si toos ah u joojin doonta fiisaha ay siiso shaqaalaha Qaramada Midoobay sida uu sheegay afhayeen u hadlay.

Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id , afhayeenka Xukuumadda Israel Eylon Levy wuxuu ku eedeeyey saraakiisha QM iney la safteen kooxda Xamaas

“Muddo dheer saraakiisha caalamiga ah waxay eeda u jeedinayeen Israa’iil si ay u qariyaan xaqiiqda falalka Xamaas.” ayuu yiri afhayeenka

Levy wuxuu xusay in Qaramada Midoobay ay ku guuldareysatay inay cambaareyso Xamaas afduubka iyo dagaalka ay ku soo qaadeen Israel.

Dabayaaqadii bishii Oktoobar, Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres waxa uu jeediyay khudbad uu si aan mugdi ku jirin ugu cambaareeyay weerarka Xamaas, balse wuxuu sheegay inuusan  ku dhicin “meel bannaan,” uuna sabab u ahaa caburin 56 sano lagu nhayey Falastiiniyiinta hadalkaasoo ay Israel ka carootay

Related posts

Wararkii ugu dambeeyay Howlgalo adag oo saakay ka socda degmada Afgooye

Cabdi Cade

DFS oo shaacisay in maanta la dilay in ka badan 130 xubnood oo Al Shabaab ah

Cabdi Cade

Akhriso Magacyada iyo Qabiilada :Guddiga madaxa banaan ee la-dagaallanka Musuq-maasuqa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---