Allbanaadir.com
NEWS

Israel oo war cusub ka soo saartay mudada uu qaadan karo dagaalka Gaza

Taliyaha ciidamada Israel ayaa sheegay in dagaalka ay kula jiraan Xamaas uu sii socon doono bilooyin kale oo badan

Madaxa Ciidamada Difaaca Israel (IDF) Herzi Halevi Herzi Halevi ayaa sheegay in dagaalka ka socda wax uu ugu yeeray “aag adag” uu sii socon doono bilo kale oo badan

“Waxaa u howlgali doonaa siyaabo kala duwan si guulo loo gaaro. waqti ka dib,” ayuu yiri Taliyaha.

Wasiirka difaaca Yoav Gallant ayaa mar sii horeysay carabka ku adkeeyay dagaal dheer oo soo socda, wuxuuna sheegay in Israa’iil ay ku jirto dagaal is difaac ah sida uu yiri. dalkana laga soo weeraray jihooyin badan.

Raisel Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa Isniintii sheegay in  dagaalku uu aad uga fog yahay sida la qiyaasayo, ka dib markii hogaamiyaha Israel uu booqday Gaza markii labaad tan iyo 7-dii October.

Hase yeeshee calaamadahaasi waxay argagax galiyeen beesha caalamka, iyadoo tirada dadka ku dhintay go’doominta Gaza ay sii kordhayso.

Tirada dhimashada Gaza ayaa kor u dhaaftay 20,000, iyadoo ku dhawaad ​​55,000 kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Gaza.

Faransiiska ayaa aad uga walaacsan ku dhawaaqista Israa’iil ee ah in dagaalka Gaza uu sii xoogeysan doono oo uu sii socon doono muddo dheer, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Faransiiska ayaa sheegtay Talaadadii.

War-saxaafadeed ay wasaaraddu soo saartay ayay ku cel-celisay baaqeeda ku aaddan xabbad-joojin deg-deg ah, iyadoo sheegtay in duqeymaha ay sababeen khasaare badan oo soo gaaray dad rayid ah maalmihii lasoo dhaafay.

Toddobaadkii hore, madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron wuxuu sheegay in la dagaallanka Xamaas aysan macnaheedu ahayn duqeynta dadka rayidka ah.

 

Related posts

Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka oo ka soo baxay furumaha hore ee dagaalka (Sababta)

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Kheyre oo qaabilay Phumzile Mlambo-Ngcuka (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Guddoomiyeyaal degmo oo xilalka laga qaaday ka dib wareegto soo baxday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---