Allbanaadir.com
NEWS

Shaacinta natiijada Cilmi baarisyada xanuunka HIV AIDs ee Soomaaliya oo la Daah-furay

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam ayaa daahfurey Munaasabadda Shaacinta Natiijada Cilmi Baarisyada Xanuuka HIV AIDs ee Soomaaliya.

Munaasabadda waxaa kasoo qeyb galey xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, agaasimayaal, xubno sare oo ka socdey Hey’adaha kale ee Dowladda, Dhaqaatiir, Cilmi-baarayaal, xubno ka socdey Hey’adaha ka howlgala Soomaaliya ee taageera Caafimaadka iyo marti sharaf kale.

Munaasabadda Cilmi-baarisyada oo socon doonto mudo labo cisho ah ayaa maalintii koowaad lagu soo bandhigey Cilmi-baarisyo kala duwan oo laga diyaariyey faafitaanka iyo heerka uu marayo xanuunka HIV AIDs-ka iyo sidoo kale xanuunada Cagaarshowga (Hepatitis B virus HBV) iyo xanuunka Isfiilitada (Syphilis) kuwaasoo ka mida xanuunada ay la daalaa dhacayaan qeybo badan oo ka mid ah bulshadeena.

Dhammaan Daraasadaha ayaa tilmaamayey in loo baahan yahay dhimista halista faafitaanka xanuunada laga diyaariyey Cilmi-baarisyada kala duwan ee lagu soo bandhigey munaasabada, waxaana sanadkan daarsadaha lagu soo darey qeybo badan oo aan horey ugu jirin Cilmi-baarisyadii kala duwanaa ee horey loo soo bandhigi jirey, sidoo kale waxaa farta lagu fiiqey in xanuunka HIV AIDs-ka iyo xanuunada kale ee lagu soo bandhigey Cilmibaarista in lala galo dagaal adag si gabi ahaanba loo ciribtiro.

Related posts

Booliiska oo ka hadlay Qaraxii ka dhacay Xamarweyne iyo Khasaaraha ka dhashay

Cabdi Cade

Xaalad Deg deg ah oo lagu soo rogay dalka Itoobiya kadib Is casilaadii Desalegn

Cabdi Cade

Maraykanka oo mar kale u hanjabay Turkiga & xiisada labada dal oo ka sii dareysa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---