Allbanaadir.com
NEWS

Maamulka Khaatumo oo Asteeyay maalinta Taariikhiga ah ee Kacdoonka Buluuga ah

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-KHAATUMO Mud. Cabdiqaadir Axmed Aw-cali ayaa soojeedinta Golaha Fulinta kadib Xeer Hoghaamiye ku ansixiyey in maalinta 27 December ay noqoto maalin taariikhi ah oo ku astaysan bilowgii Halganka

“27 December 2022 waxay ahayd maalintii halganku bilowday, maalintii dhalinyaradu ka dhiidhiyeen dulmigii iyo gabood falladii Somaliland ku haysay deegaaankeenna, waa maalin weyn oo taariikhi ah”

Maalintan ayaa noqon doonta maalin rasmi ah oo shacabka SSC-KHAATUMO ay sanad walba xusi doonaan halgankii dheeraa ee ay soo galeen. Sidoo kale maalintan ayaa noqon doonta mid lagu cusboonaysiindoono xoojinta midnimada iyo wadajirka shacabka SSC-KHAATUMO.

Ugu danbayn, Hoggaamiyaha ayaa xusay in dhallinyarada SSC-KHAATUMO ay lafdhabar u yihiin halganka deeggaanadeenna lagaga saaray malayshida Somaliland, haddii aysan iyagu dhagaxatuurinna uusan halgankii hanaqaadeen.

Maalinta 27 December ayaa sanad kasta la xusi doonaa bilowgii Kacdoonka Buluugga ah ee dhaliyey guusha maanta ay ku naalloonayaan Deegaannada iyo Shacabka SSC-KHAATUMO oo dhan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Itoobiya oo sheegtay in ay dhab noqotay riyadoodii aheyd in ay marin-badeed helaan

Cabdi Cade

Dowlada oo Diyaarisay Ciidamadii qaban lahaa Kismaayo iyo Cabsi xoogan oo jirta

Cabdi Cade

Sargaal ciidan oo lagu dilay Muqdisho oo maanta la aasayo iyo qoyskiisa oo diyo qaatay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---