Allbanaadir.com
NEWS

Kulan dhax mari lahaa Madaxda dalka ugu sareysa iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka oo baaqday

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in uu baaqday kulan ay ku ballan-sanaayeen in ay isugu yimaadaan madaxda dowladda federaalka ugu sareeya iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ay ku jiraan madax hore.

Kulanka baaqday ayaa la sheegay in ay ku ballan-sanaayeen madaxweyne Xasan Sheekh, guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ay ku jiraan madaxweyne hore iyo Ra’isul Wasaarayaal.

Ilaa hadda lama oga sababta uu u baaqday kulankan oo si weyn loo sugayay natiijadiisa, waxaana soo baxayay warar kala duwan oo sabab looga dhigayo in uu baaqdo kulanka dhax mari lahaa madaxda Federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Warar qaar ee soo baxaya ayaa sheegaya in kulanka u baaqday cudur-daar ka yimid guddoomiye Aadan Madoobe, halka warar kalana sheegayaan in kulanka u baaqday cadaadis madaxweynaha kaga yimid qaar kamid madaxda maamul goboleedyada iyo hoggaanka sare ee xisbiga madaxweynaha.

Madaxda maamul goboleedyada qaar iyo xubno katirsan xisbiga madaxweynaha ayaa si cad u diidanaa kulanka mucaaradka lala gali lahaa, waxa ayna ku tilmaameen shirkaasi  shirqool marqaati gelin dadban ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Eritrea oo isaga baxay magaalooyin waa weyn oo ku yaalla Gobolka Tigrey

Cabdi Cade

Xildhibaanada Labada Aqal ee laga soo doortay Galmudug oo Cadeeyay Mowqifkooda ku aadan Khilaafka….

Cabdi Cade

Maalqabeenka ugu da’da yar Afrika oo laga afduubtay goob jimicsiga lagu sameeyo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---