Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay rag madax ka ahaa shirkado la sheegay in lacago been abuur ah ka qaadayeen mootooyinka loo yaqaan Bajaajta ee ka howl gasha magaalada Muqdisho.
Shirkadahan ayaana mootooyinka Bajaajta ka qaadayay lacag gaareysa 27-dollar oo la sheegay in lagu hubinayo bad-qabka mootada, waxaana mootadii aan la marsiin hubinta laga mamnuucayaa in ay waddooyinka maraan sida lagu war-galiyay Bajaajleyda.
Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir oo goordhaw warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maamulka uusan raali ka aheyn Bajaajleyda in laga qaado lacagta sharciga ah ee horey looga qaadi jiray wax ka baxsan.
Waxa uuna xusay in ciidamada amniga gacanta ku dhigeen rag ka shaqeenayay shirkado Bajaajleyda lacago ka qaadayay , kuwaa uu sheegay in sharciga lala tiigsan doono, isagoona ugu baaqay Bajaajleyda in aysan bixin lacag ka baxsan tii horey u dhiibi jireen.
Maamulka gobolka Banaadir ayaana uga mahad-celiyay Bajaajleyda sida ay ugu hoggaansamaan mar waliba awaamiirta maamulka kasoo baxa, waxa uuna ugu baaqay in waxii cabasho ah ay qabaan usoo gudbiyaan xafiiska cabashada ee maamulka.
Bajaajleyda Muqdisho ayaa si adag uga hor-yimid una diiday qorshahan cusub ee lacagta looga cunayo, waxa ayna dhallinyaro badan ku hanjabeen in ay iska iibinayaan mootooyinka ayna dalka isaga tahriibayaan .
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com