Dalka Itoobiya oo galay khalalaase siyaasadeed iyo dagaallo sukeeye ayaa ku guul dareestay in uu iska bixiyo lacago deyn ah oo lagu lahaa, waxa ayna taasi saameyn ku yeelan doontaa kobac dhaqaale uu dalkaasi sameyn lahaa.
Xukuumadda Ra’isul Wasaare Abiy Axmed ayaa si rasmi ah uguĀ dhawaaqday shalay in ay awoodi wayday inay iska bixiso daynta lagu leeyahay, iyadoo noqonaysa dalkii saddexaad ee Afrika ee daynta iska bixin waaya.
Itoobiya ayaana ku guul dareysatay in ay waqtigeeda ku bixiso lacag deyn ah oo $33 milyan oo doolar, waxa ayna Itoobiya fursad u heesatay in lacagtaasi iska bixiso ilaa 26-ka December oo shalay ku beegneed.
Xukuumadda Itoobiya ayaana sheegtay in saameyn ku yeeshay cudurkii safmarka ahaa ee Covid-19 iyo sidoo kale dagaalkii sukeeye ee ka qarxay gobolka Tigrey ,kaa oo ugu dambeyn soo dhammaaday bishii Nuvember ee sannadkii 2022-kii.
Dalka Itoobiya ayaana noqonaya dalkii saddexaad oo Afrikan ah oo iska bixin waaya lacagta deynta ah ee lagu leeyahay, waxaana sidaan oo kale horey deyn isaga bixin waayay dalalka Chana iyo Zambia.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com