Tiro madaafiic ah ayaa saakay markii salaada subax la dukaday lagu garaacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan aaga ay kutaallo madaxtooyada Soomaaliya, madaafiicda qaarkood ayaana dhaliyay khasaaro.
Sida aan wararka ku helnay mid kamid ah madaafiicda loo tuuray dhinaca madaxtooyada Soomaaliya ayaa ku dhacay guri kuyaalla xaafada Yuusuf Al Kowneyn ee degmada Boondheere, waxaana halkaasi ku geeriyootay hooyo kamid aheyd dadka deegaanka.
Goobjoogayaal ayaa ku waramay in madfaca uu ku dhacay hooyo degan xaafada Yuusuf Al Kowneyn xilli hooyadaasi ay dul fadhisay salligii ay salaada subax ku dukutay, waxa uu sidoo kale madfacaasi bur buriyay guriga qoyskaasi degnaayeen.
Lama oga madaafiicda kale ee lagu tuuray aaga madaxtooyada in ay gudaha ku dhaceen iyo in kale, waxa ayna madaafiicdan qalqal xoogan iyo cabsi galiyeen dadka degan aaga madaxtooyada Soomaaliya.
Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weeraro badan oo madaafiic ah oo horey uga dhacay Muqdisho, madaafiicdan ayaa galaafatay nolosha dad badan oo shacab ah u ku habsaday guryahooda iyaga oo dhax jooga.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com