Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii u dambeeyey dagaalka Gaza iyo khasaaraha dhimashada oo kordhay (Sawirro)

Isgaarsiinta iyo adeegyada Internetka ee marinka Qaza ayaa gebi ahaanba hawada ka maqan.

“Waan ka xunahay inaan ku dhawaaqno joojinta gebi ahaanba isgaarsiinta go’an iyo adeegyada internetka ee marinka Gaza ee la jecel yahay, sababtoo ah gardarrada joogtada ah. Shaqaalaheena farsamada ayaa ka shaqeynaya sidii ay dib ugu soo celin lahaayeen adeegyada inkastoo xaalado khatar ah ay goobta ka jiraan,” ayaa lagu yiri bayaan lagu daabacay  bogga facebook ee shirkadda isgaarsiinta Jawal. ayaa sheegay Talaadadii.

Khasaaraha ka dhashay weerarrada Israa’iil ee Marinka Gaza ayaa gaaray ugu yaraan 20,915 dhimasho ah iyo 54,918 dhaawac ah tan iyo 7-dii Oktoobar, sida lagu sheegay bayaan uu soo saaray afhayeenka wasaaradda caafimaadka Gaza.

Waxaa intaa dheer, bayaanka ayaa lagu sheegay in 241 qof lagu dilay 24-kii saac ee la soo dhaafay 382 kalena lagu dhaawacay.

Ururka Bisha Cas ee Falastiin ayaa sheegay in dhowr qof ay ku dhaawacmeen kadib markii ciidamada Israa’iil ay madaafiic la beegsadeen xarunta ururka ee Khan Younis.

Wasiirka difaaca Israa’iil Yoav Gallant ayaa sheegay in Israa’iil ay ku jirto dagaal dhowr jiho ah tan iyo 7-dii Oktoobar.

Muuqaalo ay heshay oo ay xaqiijisay Aljazeera ayaa muujinaya burbur baahsan oo soo gaaray guryo iyo dhismayaal la dego magaalada Beit Lahiya.

Ciidamada Israa’iil ayaa ugu yaraan 55 qof ku xiray Daanta Galbeed ee la haysto, hawlgallo habeenimo ah, guddiga maxaabiista iyo arrimaha maxaabiista hore iyo ururka maxaabiista Falastiiniyiinta ayaa sidaas bayaan ku sheegay.

Ahmad Yousef Yaghi, oo 17 jir ah, ayaa la dilay ka dib markii ciidamada Israel ay toogteen xilli ay weerar ku qaadeen xerada qaxootiga ee Fawwar, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee Wafa.

Related posts

Caqabado intee le’eg ayuu Xassan Shiikh ka dhaxlay Madaxweynihii ka horeeyey?

Caydiid Ali

Labo Shaqo oo Muhiim ah oo ka Banaan Shirkada Korontada ee Blue Sky

Cabdi Cade

(Sawirro) Shiinaha oo hakiyey dhismaha dekeda Lamu & sababta ka dambeysa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---