Allbanaadir.com
NEWS

Doorashada ku saleysan Nidaamka “Proportional Representation” Qalinkii: Prof. Saciid Ciise

Nidaamka ku dhisan doorashada “Proportional Representation (PR)” ma ahan mid ay isqaadan karaan hanaanka ku saleysan madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen oo tartanka doorashada lagu gelayo laba xisbi siyaasadeed oo waaweyn, waxaana si cad isaga soo horjeeda qaabka lagu dooranayo tartanka ku dhisan hanaanka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka oo ah mid ay ku yihiin musharixiin ka soo kala jeeda laba xisbi oo si toosa loogu soo dooranayo codbixinta shacabka, kuwaas oo tiro aqlabiyad leh ay ku kala guuleysanayaan, waxaana taas ka soo horjeeda hanaanka doorasho ee ku dhisan PR oo ah mid ay xisbiyo badan keliya ay ku tartamayaan.

Doorashada ku saleysan PR ayaa waxaa ku tartamaya oo keliya Xisbiyo badan oo mid walba codadka uu helo boqoolkiiba u yahay mid u dhiganta inta uu ku helayo kuraasta Baarlamaanka boqolkiiba, taas oo kadib marka lagu dhufto tirada guud ee kuraasta baarlamaanka noqoneysa natiijada ay kuraasta baarlamaanka ku kala leeyihiin xisbiyada, waxeyna taas ay ka dhigan tahay in codbixiyeyaasha aysan u codeyneyn musharixiinta xisbiyada, balse xisbiyada ayaa soo gudbinaya liiska musharixiinta oo kuraasta ay ku guuleystaan sida ay u kala mudan yihiin ugu kala qeybinaya, taas oo haddba ku xiran in ama la qaato Liisku Furan ama Liiska Xiran.

Xisbiyada ayaa u madaxbanaan qaabka ay u soo xulanayaan liiska musharixiinta oo ay kuraasta ugu qeybinayaan, waxaana looga baahan yahay xisbiyada iney raacaan habdhaqanka u degsan hanaanka doorashada uu dalku leeyahay, kaas oo ah mid uu qeexayo dastuurka dalka u degsan, waxaana la tixraacayaa labada nuuc oo kala ah ama inuu yahay Liiska Xiran oo ah in xisbiyadu ay liiska musharixiinta u soo kala hormarinayaan sida ay u kala mudan yihiin, sidaasna ay xisbiyadu kuraastooda ay u kala siinayaan sida musharixiintu ay liiska ugu soo kala horeeyaan ama taas bedelkeed inuu yahay Liiska Furan oo ah in codbixiyeyaasha ay saameyn ku leeyihiin sida loo soo kala hormarinayo liiska musharixiinta.

Hanaanka doorashada ku saleysan adeegsiga PR waxaa loogu talogalay tartanka ay doorashada ku gelayaan xisbiyo badan, wuxuuna adeegsigiisu ku haboon yahay dalalka leh hanaanka baarlamaanka, kaas oo ah mid dhiirogelinaya jiritaanka xisbiyo badan oo ay kala leeyihiin firqooyin siyaasadeed o oleh aragtiyo kala duwan, waxaana jiritaankooda ka dhalanaya iney soo saaraan xildhibaano kala duwan oo meelo fara badan ka soo kala jeeda, wuxuuna hanaankan PR uu si gaara u dhiirogelinayaa jiritaanka xisbiyada yar yar oo codadka ay heystaan ay aad u yar yihiin, kuwaas oo ka kala turjumaya fikradaha ay xambaarsan yihiin oo ah kuwo laga tiro badan yahay.

Qaabka ay u hawlgasho adeegsiga PR ayaa ah mid ku dhisan in degmo walba ay u tartamayaan musharixiin badanoo ka soo jeeda hal xisbi, wuxuuna dalku noqonayaa guud ahaan inuu yeesho hal deegaan doorasho oo guud ahaan xisbiyadu ay qoondo ahaan u kala helayaan kuraasta xisaab ahaan ugu soo aada saamiga ay ku yeeshaan qeybaha ay tirokoob ahaan ugu kala guuleystaan natiijada codbixinta guud, waxaana xubin walba oo ka mida noqda xildhibaanada guuleysta uu mid walba saami ahaan loogu talogalay inuu helo codad tiro ahaan isku wada mida oo si siman loogu jaangooyey kursi walba oo uu ku fadhiyo xildhibaan kasta ee oo xubin ka ah baarlamaanka.

Waxaan marna sinaba aan suutogal u ahayn in hanaanka doorashada PR lagu dhex milo doorasho ku dhacda hanaanka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka oo loogu tartamayo laba xisbi siyaasadeed oo waaweyn, kuwaas oo ah kuwa doorashada xildhibanadoodu  ay ku dhisan tahay codka mushariixiinta ay ka helaan codbixiyeyaasha oo lagu kala adkaanayo tiro badida musharaxa helaa codka aqlabiyadda, iyadoo deegaan doorashadu ay tahay mid degmo doorasho walba ay ku wada tartamayaan laba musharax oo keliya oo ah xildhibaano ka soo kala jeeda labada xisbi, meesha doorashada madaxweynaha ay tahay hal deegaan doorasho.

Hanaanka doorasho ee dalku raacayo waxey ku xiran tahay hanaanka xisbiyada ee uu dalku leeyahay, kuwaas oo kala ah ama xisbiyo kooban oo labo ah oo hanaanka madaxweynaha wax lagu dooranayo, kaas oo ka turjumaya kala doorashada musharixiinta tartamaya oo cod aqlabiyada ku kala guuleysanaya ama mid taas bedelkeeda ah in dalku uu leeyahay xisbiyo badan oo hanaanka baarlamaanka wax lagu dooranayo, hanaankaas oo raacaya u kala codeynta xisbiyada ku tartamaya doorashada oo mid walba u kuraasta baarlamaanka uu ka helayo tiro u dhiganta inta uu boqolkiiba ka helayo codbixinta guud oo noqoneysa hal deegaan doorasho, waxeyna PR ay quman isku qaadan karaan doorasho ay ku tartamayaan xisbiyo badan.


Dr. Saciid Ciise Maxamud
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com

Related posts

Daawo Sawirro laga soo qaaday goobihii ay ka dhaceen qaraxyadii ka dhacay Baledweyne

Cabdi Cade

(Sawirro) DF iyo IMF oo soo gebagebeeyey shir looga hadlay Barnaamijka ECF

Caydiid Ali

Khilaaf xooggan oo mar kale soo kala dhax galay Madaxweynaha Hirshabelle iyo kuxigeenkiisa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---