Ciidamada badda ee Ingiriiska ayaa sheegay in labo qarax laga soo sheegay badda cas, kuwaasoo uu soo wariyey markab ku socdaalayay xeebaha Yemen.
Qaraxyada ayaa ka dhacay meel aan ka fogeyn markabka oo qiyaastii siddeetan KM u jirta dekedda Yemen ee Xudeyda
Waxay yimaadeen wax yar ka dib markii uu markabku arkay laba diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ah oo dhinaciisa ku soo jeeda
Waxaa isa soo taraya weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalada ay gaysanayaan fallaagada Xuutiyiinta Yemen ee ay Iiraan taageerto.
Waxay sheegeen inay beegsanayaan maraakiibta lala xiriiriyo Israa’iil. Dhowr ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn ee maraakiibta adduunka ayaa joojiyay iney isticmaalaan marinka Babel mandeb ee badda Cas