Allbanaadir.com
NEWS

Ciyaartoyda Koonfur Galbeed oo diiday in ay yimaadaan Muqdisho iyo hal arrin oo sabab u ah

Xulka kubadda cagta ee Koonfur Galbeed ayaa laga cabsi qabaa in sannadkan isaga baxaan ka qeyb galka tartanka loo qabanayo dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo Jimcaha lagu wado Muqdisho ka furmo.

Ma jiro go’aan rasmi ah oo kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo xaqiijinaya iney isaga baxeen tartanka, balse wali kama aysan laaban go’aankoodii ahaa in loo fasaxo goolhayahooda u saftay xulka Qaranka waa weyn.

Maamulka Siyaasiga ah & kan ciyaaraha KGS waa isku dhinac, waxey doonayaan in safka xulkooda lagu daro goolhaye Ibraahim oo ka tirsan kooxda Waxool, kana soo muuqday liiska xulka waaweyn ee Soomaaliya.

Wali looma diiwaangalin, iyaguna waxey joogaan Baydhaba oo masoo bixin, mana doonayaan iney soo baxaan iyagoon ogaan in xiddigaas liiskooda kusoo baxaayo.

Somaliya marka aad joogto, xaal mastuur iyo gogol ayaa mararka qaar wax lagu xaliyaa, marka ilaa laga baasanaayo tartanka, wali KGS iney imaato ayaa macquul ah.

Hadii KGS ay tartanka ka maqnaato, tartanka dhan wuxuu iska noqon doonaa mid kala dhantaalan, waxaa horay uga maqnaa Puntland & Khaatumo oo la rabay in lagu qurxiyo tartanka sanadkaan.

Tartanka ilaa & hadda waxaa u diyaar ah 4 koox oo kaliya: Galmudug – Jubbaland – Hirshabelle & Gobolka martida loo yahay ee Banaadir.

Dadka qaar waxeyba leeyahiin, tartankaan waa kii ugu qaabka darnaa, ugu agaasinka xumaa ee la xasuusto taariikhda tartanka Maamul Goboleedyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Madaxweyne Al-Burhan oo Warqadaha aqoonsiga ka gudoomay safiirka cusub ee Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali

Aas loo sameeyey Gabdhihii Soomaalida ee meydadkooda laga helay Minesota (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Faahfaahin: Garoonka Balad-wayne oo la xiray & xaalka Masar & Itoobiya oo ka sii daray

admin
Taboola Ads ---