Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wararkii u dambeeyey Gaza & tirada hubka Mareykanku siiyey Israel oo la shaaciyey (Sawirro)

Maraykanka ayaa 230 diyaaradood oo xamuul ah iyo 20 markab oo ay ku raran yihiin hub iyo qalab milatari u diray Israa’iil tan iyo markii uu qarxay dagaalka Gaza 7-dii Oktoobar, sida ay sheegtay warbaahinta Israa’iil.

Kaalmada milatari ee Maraykanku waxa ka mid ah madaafiicda, baabuurta gaashaaman, iyo qalabka dagaalka ee aasaasiga ah sida yy qoray wargeyska Yediot Ahronoth ee ka soo baxa Israel.

Wargeyska oo soo xiganaya mas’uul ka tirsan wasaaradda gaashaandhiga Yuhuuda ayaa sheegay in ciidanku ay adeegsadeen inta badan saanad ciidan oo ay kaydiyeen tan iyo bilowgii dagaalka.

“Laakiin Israa’iil waxa ay ku guulaysatay in ay bakhaarkeeda dib u buuxiso si ay ugu diyaargarowdo dagaal ballaadhan oo ay la gasho kooxda Xisbullah ee Lubnaan,” ayuu raaciyay.

Wasaaradda difaaca ee Israa’iil ayaa ku qiyaastay qiimaha ku baxay dagaalka hadda ka socda Marinka Gaza ku dhawaad 65 bilyan oo sheqel lacagta dalkaas oo uu dhiganta ($17bilyan oo Dollar).

Dhinaca kale, Garabka hubeysan ee Xamaas ayaa war uu soo dhigay bartiisa Telegram ku sheegay inay la beegsadeen koox askar Israiliyiin ah oo ku sugnaa guri ku yaalla Khan Younis gantaalka Yasin-105, halkaas ay ku dileen qaar mid ka mid ah kuwo kalena ku dhaawaceen.

Horaantii, kooxdu waxay sheegtay in cagaf-cagaf D-9 ee Israel ay la beegsatay madfac Tandem waqooyiga Khan Younis.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in degaanka Khuza’a, oo ku taal bariga magaalada khan Yonis, ay ku qarxisay walxaha qarxa oo lala beegsaday ciidamada gaarka ah ee Israa’iil ka dib markii ay galeen dabaqa hoose ee dhismo halkaas ku yaalla.

Guutada Qassam ee Dagaalyahanada Xamaas ayaa sidoo kale xusay iney beegsadeen ciidamada Israel ee ku sugan Jabalia

Qassam ayaa intaas ku dartay in dagaalyahanadoodu ay beegsadeen ciidamada Israa’iil oo ka kooban 40 askari oo isku soo xiray guri ku yaala magaalada Jabalia ee waqooyiga marinka Qaza.

Waxaa jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray askarta, inkastoo aan la ogeyn tiradooda sida Xamaas ay sheegtay.

Dhinaca kale bariga xaafadda Tuffah ee magaalada Gaza waxaa dagaalyahannada Xamaas ay gantaallo ku burburiyeen sagaal baabuur oo ay wateen ciidamada Israa’iil, sida ay sheegeen guutada Qassam.

Deegaanka Jabal al-rayes ee bariga magaalada Gaza, garabka hubaysan ee Xamaas ayaa sheegay inay ku qarxiyeen miinooyin meel u dhow askarta Israa’iil oo lugaynaya, taasoo sababtay dhimasho iyo dhaawac.

Dhinaca kale, Kooxda warshadaha cuntada ee Israa’iil ayaa ka digaysa Cunto yaraan suurtagal ah ee ka dhalan karta weerarrada Badda Cas ay ka wadaan Xuutiyiinta kuwaasoo ka dhan ah maraakiibta ku sii jeeda dekedaha Yuhuuda

Ururka Warshadaha Cunnada ee Israa’iil ayaa ka digaya khatarta cunno-yarida sababtoo ah weerarrada fallaagada Xuutiyiinta ee maraakiibta ku sugan Badda Cas.

“Waxaa jirta halis cunto yaraan xaaladaha degdegga ah ka dib hanjabaadaha Badda Cas” ayay kooxdu ku sheegtay bayaan uu soo xigtay wargeyska Israel ee Maariv.

Waxay ku baaqday dadaallo lagu hubinayo in wax-soo-saarka cuntada Israa’iil uusan hoos uga dhicin 75 boqolkiiba baahiyaha waddanka.

“Ku guuldareysiga in la qaado tillaabooyinkan waxay sababi doontaa cunto yaraan daran waqtiyada dagaallada iyo xaaladaha degdegga ah,” ayay kooxdu ka digtay.

Xuutiyiinta Yemen ee xulafada la ah Iran ayaa sheegay in ay weerarayaan maraakiibta u socda Israa’iil si ay u muujiyaan taageerada ay u hayaan Falastiiniyiinta ku sugan marinka Qaza.

Heyadda dhaqaatiirta aan xuduuda laheyn ee MSF ayaa iyana ka hadashay duqeymaha xeryaha qaxootiga ay ku heyso Israel ‘

MSF ayaa sheegtay in tan iyo markii ay ciidamada Israa’iil duqeeyeen xeryaha qaxootiga ee Maghazi iyo Bureij, isbitaalka Al-Aqsa ee Martyrs Hospital la geeyey 209 dhaawac ah iyo 131 qof oo oo dhintay.

Ku dhawaad kala bar dhaawacyada soo gaaray isbitaalka ayaa ah haween iyo caruur sida ay sheegtay MSF

Ugu yaraan 70 qof ayaa lagu dilay duqaymo ka dhacay bartamaha Qaza ee xerada qaxootiga ee Maghazi, wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa sheegtay goor dambe oo Axad ah. Weerarada lagu qaaday xerada qaxootiga ee Bureij ayaa sababay dhimashada in ka badan 100 qof.

Dhinaca kale, Kooxda Xisbullah ee dalka Lubnaan ayaa sheegtay in ay beegsatay dhowr goobood oo ay ku sugnaayeen ciidamada Israa’iil ayna gaarsiiyeen “khasaare”.

Kooxda hubaysan ayaa sheegtay in dagaalyahanadeeda ay beegsadeen ciidamada cirifyada Hanita iyaga oo taageeraya Falastiiniyiinta Gaza. Waxay sheegtay in askarta Israa’iil ay u geysteen dil iyo dhaaw.

Hezbollah waxa ay sheegtay in ay sidoo kale beegsatay fariisin ciidamada Israa’iil ku leeyihiin deegaanka Manara kibbutz ee waqooyiga Galiil Sare, oo ku dhow xadka.

Dagaalyahanadeena ayaa sidoo kale sababay “khasaare” ciidamada halkaas ku sugnaa, ayay warkeeda raacisay Xisbulah

Ciidanka Israa’iil ayaa Dhinacooda sheegay in taangiyadoodu ay weerareen goobo ay joogeen Hezbollah kaddib markii ay ogaadeen tiro gantaallo ah” oo laga soo riday dhulka Lubnaan.

Tirada khasaaraha dhimashada Gaza tan iyo Bilowgii dagaalka ayaa mareysa 20,424, halka dhaawacana uu cagacageynayo 54,036, sidoo kale Waxaa lagu dilay daanta galbeed 303 Dhaawacana waa 3,450

Israa’iil waxaa laga dilay tan iyo 7dii  Oktoobar  1,139 halka Askarta la dilay tan iyo duulaankii dhulka ay gaarayaan 157, halka Dhaawacana uu yahay 8,730 sida ay sheegteeen inkastoo la isku raacsan yahay in khasaarahooda nafeed ee Israel uu intaas aad uga badan yahay.

HOOS KA DAAWO SAWIRADII U DAMBEEYEY

Related posts

Sheekh Aadan Madoobe oo Arrimo Muhiim ah kala hadlay Matti Vanhanen uu Telfoon kula xiriiray

Cabdi Cade

Hotel yaab leh oo laga dhisayo Keyn ku taalla dalka Colombia (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlad ka tirsan Afrika oo qabatay daroogadii ugu badneyd taariikhda (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---