Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xamaas & Islamic Jihad oo diiday qorshe halis ah oo ay hor dhigtay dowlada Masar

Xamaas iyo isbahaysiga Islamic Jihad ayaa diiday soo jeedinta Masar ee ah inay ka tanaasulaan awooda ay ku leeyihiin Marinka Gaza si ay u helaan xabad joojin joogto ah, sida ay wakaalada wararka ee Reuters u sheegeen laba ka mid ah laamaha amaanka Masar.

Labada kooxood, oo wadahadalo gooni gooni ah kula lahaa dhexdhexaadiyeyaasha Masar magaalada Qaahira, ayaa diiday inay bixiyaan wax tanaasulaad ah oo ka baxsan suurtagalnimada sii deynta la haystayaal badan oo la qabtay 7-dii Octoobar

Masar waxay soo jeedisay “aragti ku lug leh xabbad-joojin beddeleysa sii deynta la haystayaal badan, oo horseedi doonta heshiis ballaaran taasoo ay weheliso dib-u-habeyn lagu sameeyo hoggaanka Gaza, oo hadda ay hogaamiso Xamaas.

Masar ayaa soo jeedisay doorashooyin iyadoo u ballan qaaday Xamaas inaan xubnahooda la eryan doonin ama la dacweyn doonin, laakiin kooxda Xamaas ayaa diiday wax tanaasul ah oo aan ahayn sii deynta la haystayaasha.

In ka badan 100 la haystayaal ah ayaa weli la rumeysan yahay in lagu haysto Qaza.

Sarkaal ka tirsan Xamaas oo dhawaan booqday Qaahira ayaa ka gaabsaday inuu si toos ah uga hadlo dalabyo gaar ah oo ku saabsan xabbad-joojin bini’aadanimo oo ku meel gaar ah wuxuuna tilmaamay diidmada kooxda iyo mowqifkeeda rasmiga ah.

“Xamaas waxay doonaysaa inay soo afjarto gardarada iyo xasuuqa ay Israel ku hayso dadkeena, waxaana kala hadalnay walaalaheen Masar sidii ay arrintaasi noogala shaqeyn lahaayeen,” ayuu sarkaalkan u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

“Waxaan sidoo kale sheegnay in gargaarka loo fidinayo dadkeennu uu sii socdo oo uu bato, waana in la gaarsiiyaa dhammaan shacabka ku dhaqan waqooyiga Gaza, Markii gardarada la joojiyo oo gargaarka la kordhiyo waxaan diyaar u nahay inaan ka wada hadalno maxaabiista la is weydaarsanayo,” ayuu raaciyay. .

Sidoo kale Wafdi ka socda kooxda Islamic Jihad oo uu horkacayo Hoggaamiyahooda Ziad Al-Nakhala ayaa hadda ku sugan magaalada Qaahira, si ay fikrado kala duwan uga qaataan madaxda Masar, kuwaasoo ku saabsan isdhaafsiga maxaabiista iyo arrimo kale

Dagaalka ka hor, waxaa jeelasha Israel ku jiray 5,250 falastiiniyiin ah, balse tirada ayaa hadda gaartay ilaa 10,000 oo qof iyadoo Israel ay kumanaan kale ku xirtay Daanta Galbeed iyo Gaza tan iyo 7-dii Octobar, sida uu sheegay ururka maxaabiista Falastiiniyiinta.

Habeenimadii Isniinta, Gaza waxay u adkaysatay mid ka mid ah habeennadii ugu dhimashada badnaa ee dagaalkii 11 toddobaad socday. Saraakiisha caafimaadka falastiiniyiinta ayaa sheegay in ugu yaraan 70 qof ay ku dhinteen duqeymo cirka ah oo ay Israa’iil ka geysatay bartamaha magaalada yar ee Gaza

Related posts

Madaxweyne Geelle oo khudbad taariikhi ah u jeediyey Xubnaha labada aqal (Sawirro)

Caydiid Ali

Maraykanka oo ku dhega hadlay DF: “COVID-19 looma adeegsan karo ku xadgudubka xoriyadda”

Caydiid Ali

Shacabka Sudan oo dibed-baxyada sii wada (Ma aqbalayno Kud ka guur oo Kanjo u guur)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---