Allbanaadir.com
NEWS

RW Netanyahu oo sheegay xiliga la soo afjarayo howlgalka ay ka wadaan Gaza

Ciidamada Israa’iil ayaa xoojiyey howlgallada ay ka wadaan gudaha Qaza, waxayna sii wadi doonaan dagaalka ilaa laga gaarayo Guusha Xamaas, ayuu Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ku sheegay bayaan uu soo saray

“Shacabka Israa’iil, waxaan sii xoojinaynaa dagaalka Marinka Gaza, waanu sii wadi doonaa dagaalka illaa ay ka guulaysanayaan Xamaas, tani waa habka kaliya ee lagu soo celin karo la haystayaashayada, baabi’inta Xamaas iyo in la hubiyo in Gaza aysan sii ahaan doonin khatar Israel. ” ayuu yiri Netanyahu.

“Tani waxay qaadan doontaa waqti, laakiin waanu midaysannahay – askarta, shacabka iyo dawladda. Waxaan midaysannahay oo ay naga go’an tahay inaan dagaallamo ilaa dhamaadka.” ayuu intaas ku daray.

Netanyahu ayaa sidoo kale ka hadlay  askarta Israa’iil ee lagu dilay howlgallada militari ee Gaza.

“Dagaalku qiimo aad u culus ayuu ku leeyahay nolosha askarteena geesiyaasha ah, waxaana sameyn doonaa wax walba si aan u ilaalinno nolosha askarteena, si kastaba ha ahaatee, waxaa jirta hal shay oo aanan yeeli doonin: Ma joojin doono ilaa aan gaarno. guul,” ayuu yiri Netanyahu

Hadalka Netanyahu ayaa imaanaya ka dib markii Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken uu Arbacadii sheegay in loo baahan yahay Israel dagaalka iney soo gebagebeyso.

Related posts

Qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade

Xildhibaan Kenyan ah oo qoray la galay fadhiga Baarlamaanka iyo argagax ka dhashay

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo la kulmay Xubnaha Guddiga doorashooyinka ku matalaya Jubbaland (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---